South Bend, 21 August, 2014 (Himilo)- Jaamacadda Notre Dame oo ku taala gobolka Indiana ee dalka Maraykanka, ayaa warbixin ay ka diyaarisay daraasad ay ku samaysay nidaamka doorashooyinka Somaliland ku soo bandhigay heerka ay gaadhsiisan tahay kalsooni lagu qabi karo farsamo casri ah oo Komishanka Qaranku go’aamiyey in loo adeegsado diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka.
Jaamacaddan oo si weyn loogu yaqaanno kuna xeel-dheer baadhista iyo daraasaadka qaababka dimuqraadiyaddu uga hir-gasho waddamada dunida saddexaad iyo heerarka ay ka gaadhaan, ayaa khabiir ka tirsan oo dhowaan socdaal ku yimi Somaliland, waxa uu xog-ururin ka sameeyey nidaamka dimuqraadiyadda Somaliland, heerarka ay soo mareen doorashooyinka dalka ka qabsoomay, sida ay shacabka iyo nidaamka dawladnimo ugu heelan yihiin daba-qaadda heerarka dimuqraadiyadda oo doorashooyinka ugu horreeyaan.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka, ayaa bishii June ee sannadkan laba goobood oo dalka ah ku qabtay diiwaan-gelin tijaabo ah oo farsamada looga adeegsanayo ay cusub tahay dalka, iyada oo la isticmaalay qalab casri ah oo sawir lagaga qaaday wiilka madow ee Isha, taas oo guddiga doorashooyinku sheegeen in boqolkiiba sagaashan iyo sagaal lagu guulaystay tijaabadii la sameeyey.
Dr Kevin Bowyer oo ah Madaxda qaybta Biometrics ee Jaamacadda Notre Dame oo xog-waraysi la yeeshay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Md Maxamed Xirsi Geelle iyo Khabiir dhinaca doorashooyinka kala-taliya Komishanka oo lagu magacaabo Roy Dalle Vedove, waxa uu kalsooni ka muujiyey farsamada cusub ee Somaliland u adeegsanayso diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isaga oo tusaale u soo qaatay tijaabooyin hore loo sameeyey oo lagu guulaystay.
Kevin Bowyer waxa uu sheegay inay ku guulaysteen qabashada 450 codbixiyeyaal laba jeer is diiwaangeliyey oo hore loo ogaa, balse aan lala socodsiin, si loo hubiyo tayada qalabka lagu hubynayo dadka ku celceliyey diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland, isla markaana natiijadii u soo baxay iyo talooyinkoodaba ay u gudbiyeen.

Khabiir Guddiga Doorashooyinka Somaliland kala shaqeeya farsamada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo lagu magacaabo Roy Dalle Vedove, isla markaana qayb ka ah warbixinta jaamacadda, ayaa yidhi, “Baadhitaanka ay samaysay khubarada jaamacada Notre Dame, la mid tahay natiijo hore aanu u haynay, kalsooni badana na siisay.”

“Somaliland oo doorashooyin la qorshaynayo inay ka dhacaan sannadka soo socda ayaa diyaarinaysa nidaamka diiwaangelinta cod-bixiyeyaal la adeegsado. Nidaamkooda ka qaaditaanka aragtida diiwaangelinta codbixiyeyaashu Somaliland waxuu noqon doonaa kuwa ugu horeeya dhinaca tiknoolojiyada, ugu casrisan nidaam diiwaangelin codbiyeyaal uu adeegsado wadan dunnida ku yaal, tusaalena u noqon doona kuwa kale. Khubaradu waxay saadaalinayaan in natiijada doorashooyinku noqon doonaan kuwo hufnaan iyo shaki la’aan loogu qanco, fursad aqoonsi caalami ahna gaadhsiin karta Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta ay diyaarisay jaamacadda Notre Dame.
Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaaddo warbixinta lagu ammaanay farsamada Diiwaangelinta codbixiyeyaasha Somaliland oo tiraba dhowr jeer ooh ore lagu guul-darraysay isla markaana sababtay doorashooyin muran ka dhasheen, ayaa la filayaa in lagu galo doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ee filayo badhtamaha sannadkan inay dalka ka dhacdo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment