
Labada Masuul ee Madaxweyne-kuxigeenku shaqada ka joojiyey ayaa kala ah Hormuudka Kulliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa Prof. Axmed Maxamed Cadaad iyo Hormuudka Kulliyada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Prof. Keyse Cali Geedi, kuwaasi oo la farray inay muddadaas ka dib ka war sugaan Xafiiska Madaxweyne xigeenka.
Qoraalkan ayuu Madaxweyne kuxigeenku ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland u igmaday xallinta khilaafadka joogtada ah ee Hogaanka Jaamacadda, sidaasi darteedna uu go’aamadan u soo saaray.
Gudoomiyaha Jaamacadda Mudane Gaas iyo labada Macalin ee Prof Caddaad iyo Prof Keyse ayuu khilaaf u dhexeeyay in muddo ah kaasi oo salka ku hayay Khilaaf maamul oo kala dhex galay sababayna in Shaqada laga joojiyay Macalimiinta balse uu go’aankaasi socon waayay.
Warqadda Madaxweyne xigeenka oo lagu socodsiiyay Guddida Jaamacadda Hargeysa, lana Ogaysiiyay Wasiirka Waxbarashada iyo Xubnahan ay khusayso waxa uu Madaxweyne xigeenku ku sheegay inay talaabooyinkani taageerayaan jiritaanka Jaamacadda iyo in hawsheedu si habsami ah u socoto.
Himilo Media
SDN/QJ
timo@qurbejoog.com
Contact@somalidiasporanews.com
No comments:
Post a Comment