Wednesday, January 7, 2015

“Jawaankii Dhuxusha ahaa Haatan waxa uu Taagan yahay 80,000-ilaa iyo 85,000-kun Oo Shilin, waxaana weeye in…”

Wasiirka Deegaanka oo ka hadashay Qorshe lagu joojinayo Gubista Dhirta

Hargeysa, 07 Jan, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka hadashay nabaad-guurka ka jira dalka ee ay keentay gubista dhuxusha iyo Dagaalka ay kula jiraan Joojinta Gumaadka dhirta lagu hayo oo ilaa wakhtigan aan lagu guulaysan joojinteeda.
UntitledWasiirku waxa ay tilmaantay halista goynta dhirtu ku leedahay nolosha xoolaha iyo deegaanka, waxase ay qirtay inaanay jirin ilaa wakhtigan loo helay in laga maarmo gubista dhirta laga shido dhuxusha ay dadku isticmaalaan oo xilligan qiimaheedu halkii u sareysay marayo, haseyesehee waxa ay marwo Shukri sii jiritaanka caqabaddan u nisbaysay isticmaalka aafada Jaadku ku yeelatay bulshada reer Guuraaga oo ay sheegtay in gubinta Dhirtu noqotay masaariif ay baahida Jaadka iska daboolaan, iyada oo sheegtay in dhuxulaysatadu ay gudinta ula tageen dhir aan markii hore la goyn jirin.
Wasiirka oo shalay warfidiyeennada kula hadashay xafiiskeeda, waxa ay ka hadashay sida uu kor ugu kacay Qiimaha lagu iibiyo Dhuxusha iyo heerka jarista Dhirtu marayso xilligan.
“Jawaankii Dhuxusha ahaa ahaa Haatan waxa uu Taagan yahay 80,000-ilaa iyo 85,000SL, waxan weeye in si waaqici ah loo wada Hadlo Dadkiina waxay u baahan yihiin in la helo wax loogu beddelo dhuxusha, laakiin imika Suuqa way yaalaan, dad baana karaya inay iibsadaan, Intaan miskiinka laga hadlin saw ma ah in kuwa karayaa ay iibsadaan,” ayey tidhi Wasiir Shugri Ismaaciil Baandare.
Wasiirka oo ka hadlay dhibaatooyinka horseedka u ah in lagu dhiirrado goynta dhirta, waxa ay tidhi, “Dhuxushii haatan Jaad bay gashay oo dhallinyaradii baa ku waalatay nin wal oo maanta wax tebayaana Boqolaal Geed buu soo jarayaa markaas uu daynkii jaadka iskaga bixinayaa.”
Waxa ay sidoo kale Wasiirku sheegtay in xaata dadka dhuxusha soo gubaa ay gaadheen inay soo shidaan dhir biri-mageydo ahayd oo aan hore loo garaaci jirin, waxaanay tidhi, “Maanta Dhuxushii Meel walba way taalla, Garan-waaga haddii laga goynayo waxba may ahaateen, laakiin Geedkasta maanta waa la Goynayaa oo xataa Gobkii bay shidayaan, annaguna wasaarad ahaan Kabihii aanu gashanay ayuun baanu xidhanahay xooggana waa lasii saarayaa.”
Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxa ay ka dhawaajisay in dedaal ugu jiraan sidii dadku u heli lahaayeen Girgirayaasha Dhuxusha Beekhaamiya, isla-markaana ay diyaarinayaan Istiraatiijiyad lagu heli doono Girgirayaal qiimo jaban ah oo Dhoobo ka samaysan ka hor inta aan dhuxusha la joojin gebi ahaanba.
Shacabka Somaliland, gaar ahaan bulshada danyarta ah, ayaa isticmaala Dhuxusha laga soo gubo dhirta oo muddooyinkii u dambeeyey qiimaheedu kor u kacay, waxaana haatan ay gaadhay heer aanay dadka Danyarta ahi iibsan Karin, balse xukuumaddu wali ma sheegin qorshe arrintan xal u noqon kara.
Golaha Wakiillada Somaliland ayaa todobaadkan Ansixiyey Xeerka ilaalinta Deegaanka iyo Duurjoogta, kaas oo waajibinaya in gebi ahaan la joojiyo goynta dhirta iyo ka-ganacsiga sharci-darrada ah ee Duur-joogta, waxaanay noqonaysaa markii u horeysay ee dalka loo sameeyo xeer daryeelaya Deegaanka dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment