“Waxay gaadhsiisay malaayiin muslimiin ah farxad talaabada ay qaadeen. Dad la majaro-habaabiyey ayaa sheegay in xoriyatul-qawlkii la weeraray, xaaladu sidaa mahaa, geesiyaashuna shaqadoodii way guteen,” Sida lagu baahiyey warbaahinta ku hadasha Afka kooxda Al-Shabab
“Waxay madaxa ka jareen gaaladii aflagaadeeyey nebigeenii Maxamed CSW,” iyagoo raaciyey. Usaama Bin Laden waxuu hore ugu sheegay reer galbeedka ‘Hadii xoriyatul-qawlkiinu xad lahayn, waxaad filataan in dhiigiinu qubto,” ayaa lagu sheegay Idaacad ku hadasha Afka kooxda Al-shaabMaleeshiyaadka Al-Shebaab oo maamula qeybo badan oo deegaanada Soomaaliya ayaa inay xidhiidh dhow la leh Shabakadda Al-Qaacidada ka dagaalama Yemen oo sida sheegay ay tabobarro ku soo qaateen ragga weerarka geystay.
Wararkii u dambeeyey ee laga helay hawl-gallo ciidamada Faransiisku ku daba-joogeen laba nin oo walaalo ah oo weerarkaas gaystay, ayaa lagu sheegay in ciidamada Faransiisku shalay dileen labadaas nin oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Yemen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment