Qormadan aan ugu magac daray Madaxweyne Hal Aan Tabayaa Jirta waxay noqon doontaa mid aan ku soo qaato meelo kala duwan iyo wixii qaldamay ee la ilduufay si taxane ah waxaanan in sha allaah toddobaadkiiba laba jeer dul istaagi doonaa arrimo kala duwan si aan lahayn ceeb iyo turxaan toona.
Sida aan wada ogsoonahay ama aan ka wada dharagsanahay hanaanka xisbiyada badan ee doorashooyinku waxay dalka ka hana qaadeen muddo haatan laga joogo 12 sano iyo waxoogaa, waxaana muddadaas hanaanka xisbiyadu ahaa kuwo dhexdooda lagu tartamo si farsamayn oo aan waafaqsanayn hanaanka caalimiga ah iyo xeerarka dhexdoodaba.
Madaxweyne kulmiye waa xisbi saaxada mucaaridnimada ku soo jiray muddo waana xisbiga kaliya ee mucaarid ah ee talada qabtay iyadooy taasi jirto haddana madaxweyne waxa jira qalaladaad badan oo xisbiga dhexdiisa ah ,, madaxweyne waxaad ogtahay inay xubno ka mid ah golahaagii wasiirada ee aad u magacawday inay ummada u shaqeeyaan ay ka baydheen wixii aad u dirtay oo sheeko musharaxnimo wadaan ,,adigana lagaaga baahnaa inaad tallaabo cad ka qaado.
Madaxweyne waxa jirta inay xubnahaasi isticmaalayaan hantidii aad u dirtay ee maatida laga soo ururiyay , adiguna waxaad aad uga soo hor jeedi jirtay in hantida dawlada iyo ta ummada lagu galo olole arrinkaasina lama filayn ee bal dib ugu noqo.
Madaxweyne waxaad aad u diidi jirtay in shaqaalaha dawladu xisbiga ku milmaan balse maanta waxa taagan inay shaqaalaha dawladu dhex meerayaan xisbigii kulmiye bal dib u dhugo dharaarihii ku soo maray.
Madaxweyne waxa kula gudboon inaad dib ugu noqoto qawlkaagii
Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa inaad raacdo talaabooyinkan
Inaanad ku koobnaan hadal aad saxaafada u mariso golahaaga wasiirada balse waa inaad talaabo toosan oo saxan aad ka qaadaa si aanay ugu tagri falin hantida ummada ,isla markaana aanay bulshada u kala saarin qabiilo iyo jilibyo.
Madaxweyne haddii aad musharax tahay iyo iyo hadaanad ahaynba xisbiga waa inaad sidii uu ahaan jiray u dhistaa isla markaana uu noqdaa ku bulshadu si siman ugu dhex tartarnto oo aanu noqon meel qabiil adigana yaanu taariikhda iyo khaatumada kaa xumayn.
Madaxweyne xisbiga xumaantii soo gaadhaa waa shaambad lagugu xasuusan doono markaa waa inaad habaysaa oo hanaanka toosan ku ridaa adigoo eegaya in shuruucdiisii lagu dhaqmay iyo in kale.
Madaxweyne waa inaad hoos u eegtaa shaqaalaha dawlada ee ku milmay xisbiga
Qalinkii : Liiban Ismaaciil Cabdillaahi
Email: Liibaanhanad79@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment