Saturday, January 10, 2015

Mucaaradka Jabuuti oo markii u horreysay muddo laba sanno ah ka Xaadiray Fadhiyada Baarlamaanka

Jabuuti, 10 Jan, 2015 (Himilo)- Xubnaha Isbahaysiga Mucaaradka Jabuuti ee USN ugu jiray Baarlamaanka dalkaas, ayaa markii u horeysay muddo laba sanno ku dhow oo ay ka maqnaayeen iska xaadiray fadhi Khamiistii dorraad uu yahay baarlamaanku, ka dib markii heshiis dhexmaray dawladda Jabuuti iyo Mucaaradka dalkaas.
10898297_427422770742590_8779639030782824102_nMudaneyaasha ka tirsan Mucaaradka Jabuuti, ayaa Golaha ka maqnaa wixii ka dambeeyey Doorashadii guud ee dalkaas ka dhacday bishii February ee sannadkii 2013-kii, wakhtigaas oo mucaaradka qaaddacay natiijadii ka soo baxday doorashadaas oo ay ku sheegeen in isbahaysiga uu hoggaamiyo madaxweyne Geelle ku shubtay doorashadaas.
Kulan ballaadhan oo 30-kii bishii December ee 2014-kii ka dhacay Aqalka umadda Jabuuti, ayaa Xisbiga mucaaradka ah ee USN iyo Xukuumadda Jabuuti ku kala saxeexdeen heshiis lagu soo afjaray ismaan-dhaaf ka dhashay natiijadii doorashada baarlamaanka ee horaantii sannnadkii 2013-dii ka dhacday dalkaas, kaas oo suurto-galinayey inay fadhiyada baarlamaanka ku soo laabtaan xubnihii ku soo baxay doorashadaas.
Fadhiga Baarlamaanka Jabuuti ee Khamiistii oo noqonaya kii ugu horreeyey ee ay ka qayb-galaan mudaneyaasha mucaaradka ahi doorashadii kadib, waxa goob-joog ka ahaa Raysalwasaaraha Jabuuti oo isagu xukuumadda u saxeexay heshiiska.
Xildhibaannada xukuumadda iyo mucaaradka oo markii kulanku dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in fadhigoodu qabsoomo iyada oo xildhibaannadii la doortay u dhan yihiin.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment