Weftiga ka socda dalka Tukriga oo ka kooban Ganacsato fursado maal-geshi ka raadinaya Somaliland, shalay dalka soo gaadhay Jimcihii dorraad, halka weftiga dalka Sweden oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Caasimadda Stockholom ay dalka ku sugnaayeen muddo dhowr maalmood ah.
Kulamada madaxweynuhu shalay la qaatay labada wefti oo warbaahintu dibad-joog ka ahayd, waxa markii ay kulamadaasi dhammaadeen warbaahinta si wada-jir ah ula hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Biixi Yoonis oo si gooni-gooni ah shirar jaraa’id ula qabtay Xoghaya Dawladda Hoose ee Stockholm Lars Radh iyo hoggaamiyaha weftiga ganacsatada Turkiga ah Mohmeh Tors.Markii u dhammaaday kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo weftiga Turkiga ah si wada-jir ah warbaahinta ugu sharraxay waxyaabaha lagaga wada-hadlay wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Mohmet Torso oo k atirsan weftiga ganacsada Turkiga. Ah.
“Waxa halkan nala jooga wefti aad u ballaadhan oo ka yimi dalka Turkiga oo ganacsadayaal ah oo doonaysa inay waddankeenna maalgeshi ku sameeyaan. Markii ay madaxweynaha la kulmeen wuxuu u sheegay inay Somaliland tahay waddan diyaar u ah horumar iyo maalgashi, waddan dadkiisu yihiin ganacsato oo jecel inuu dadka soo dhaweeyo,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Maxamed Biixi.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi,“Anigoo ku hadlaya afka dawladda iyo shacabka Somaliland waxaan idinku soo dhawaynaynaa gacmo furan, waxaananu dawladda Turkiga uga mahad-celinaynaa doorka ay ka galeen wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu yahay qasdigeedu sidii Somaliland madax-bannanideeda gooni isugu taagi lahayd oo aanu jecelnahay inay aad noogala shaqeeyaan.”
Mr Mohmeh Tors oo hoggaaminayey weftiga ganacsatada Tukriga, ayaa yidhi, “Haddaanu nahay weftiga ganacsatada Turkiga ah waxa inaanu halkan nimaadno naga ogolaaday madaxweynaha Somaliland, aad baananu ugu faraxsannahay inaanu la kulanno madaxweynaha iyo wasiirrada. Waxaanu doonaynaa inaanu sii kobcinno xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Turkiga. Waa Tallaabadii u horeysay oo muhiim noo ah annaga inaanu halkan nimaadno, marka kalena si dhakhso leh ayaanu halkan ugu soo laaban doonaa annaga oo wadna ujeeddayada dhabta ah iyo iskaashiga aanu doonayno inaanu la yeelano Somaliland.”
Kulanka madaxweynuhu la qaatay Ganacsatada Tukriga ah waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga Somaliland Dr Muuse Qaasim, Wasiirka Arrimaha dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, wasiirka Qorshaynta qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Md Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha.
Dhinaca kale, kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo weftiga reer Sweden, waxa markii uu soo dhammaaday si wada-jir ah ula hadlay warbaaghinta Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee Stockholm.Wasiir Maxamed Biixi waxa uu sheegay in madaxweynuhu kala hadlay sidii ay horumarka ka jira Somaliland u gaadhsiin lahaayeen baarlamaanka dalka Sweden isla markaana kor loogu qaadi iskaashiga iyo xidhiidhka dhexeeya shacbiga labada waddan.
Xoghayaha Dawladda Hoose ee Stockholm Mr Lars Radh oo isaguna saxaafadda la hadlay, ayaa yidhi, Waxaanu fursad u helnay inaanu la kulanno madaxweynaha Somaliland. waxaanu ka wada-hadalnay sidii aanu u sii xoojin lahayn wada-xaajoodkayaga, una samayn lahayn xidhiidh iyo iskaashi inta ka badan oo u dhexeeya shacabka Sweden iyo Somaliland. Guud ahaanna waxay tani gun-dhig u tahay horumarinta dalalkeenna iyo in waxyaabo badan ay is waydaarsadaan shirkadaha ka jira dalka Sweden iyo bulshada aanu hoggaaminno. Waxaanu rejaynayaa inanaanu kulamo iyo wada-xaajoodyo la qaaddano inta aanu ku sugannahay halkan (Somaliland), waxaanan hubaa inaynu sugayno maalmo wanaagsan oo innaga horreeya.”
Kulanka madaxweynuhu la qaatay weftiga reer Sweden waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Arrimaha Gudaha Md Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maayarka Caasimada Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha MsCali Axmed Cali, Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Mowliid Waris Cabdilaahi.
No comments:
Post a Comment