“Somaliland ma aqbali doonto nooc kasta oo faro-gelin ah oo xuduudaheeda lagu sameeyo. Tallaabo kasta oo qaldan oo nagaga timaadda waddamada Jaarka ah sida ay tahay ayaanu ugala macaamilaynaa”
Muqdisho, 10 Jan, 2015 (Himilo)- Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka ku bahoohay urur-goboleedka IGAD oo ka kooban siddeed waddan, ayaa maanta shirkoodii ugu horreyey ee ay ku yeeshaan dalkaas in muddo ah uga furmayaa magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaasi Soomaaliya.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda urur-goboleedka IGAD oo kooban todoba xubnood marka laga reebo Soomaaliya oo xubin ah oo shalay ka degay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, ayaa kala ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Itoobiya Dr. Tedros Adhanom, Kenya Aamina Maxamed, Yugaandha Sam Kutesa, Suudaan Cali Axmed Karti, Koonfurta Suudaan Barnaba Marial Benjamin, kuwaas oo uu weheliyo Xoghayah Guud ee Golaha Urur-goboleedka IGAD Maxbuus Macalin.Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee wasiirrada IGAD ugu qabsooma Soomaaliya, ayaa ujeeddadiisu lagu sheegay mid lagu dhiirri-gelinaya ammaanka iyo horumarka dalkaas, isla markaana lagu jaan-goynayo qorsheyaasha la hiigsanayo sannadka 2016-ka ee Soomaaliya. Haseyeeshee, dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inay shirkan uga faa’idaysanayso culays ay waddamada IGAD ku saarayso inay hoos u dhigaan xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland, sida lagu baahiyey Wakaaladda Wararka ee AOL. Warku waxa uu intaas ku daray in sidoo kale ay dawladda Soomaaliya doonayso inay ku qanciso waddamada IGAD inay yareeyaanm saamaynta ay ku leeyihiin siyaasadaha maamul-goboleedyada ka jira dalkaasi Soomaaliya.
Haseyeeshee, ma jiro war arrintan la xidhiidha oo ka soo baxay dawladda Soomaaliya, balse Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa qodobbada shirka lagaga hadlayo ku sheegay inay ku saabsan yihiin arrimaha Ammaanka iyo Dib u heshiisiinta.
"Qododbada shirka IGAD ee Berri (maanta), waxa ka mid noqon doona arrimaha amaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qodobo kale,” Sidaa waxa yidhi Daa’uud Aways oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo aanu la xidhiidhnay xalay, si aanu wax uga weydiinno sida ay arkaan shirka IGAD uga furmaya maanta Muqdisho iyo wararka la xidhiidha qorshaha ay culayska ku saarayso dalalka IGAD inay hoos u dhigaan meeqaamka xidhiidh ee ay la leeyihiin Somaliland, ayaan haba-yaraatee noo suurta-gelin inaanu wax jawaab ah ka helno wasiirka oo Xilliga aanu wacnay noo sheegay inuu shir ku jiro, marar kale oo aanu la xidhiidhnayna nagama maqan telefoonkiisa.
Waddamada Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo ah xubnaha ugu fir-fircoon siddeedda waddan ee uu ka kooban yahay Urur-goboleedka IGAD, ayaa xidhiidh dibloomasiyadeed oo meeqaamkiisu sarreeyo la leh Somaliland. Sidoo kale, hoggaanka sare IGAD ayaa tiraba dhowr jeer socdaal ku yimi Somaliland iyaga oo ammaanay heerka nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka ka jira.
Warka la xidhiidha qorshahan ayaa ku soo beegmay maalin ka dib digniin madaxweynaha Somaliland ugu jeediyey dawladda Xasan Sheekh Maxamuud faro-gelinta arrimaha gudaha Somaliland iyo xidhiidha ay la leedahay beesha Caalamka, kaddib markii dawladda Soomaaliya si qaawan uga hadashay hawlo-galo macdan-baadhis ah oo shirka laga leeyahay dalka Shiinuhu ka waddo buurta Siimoodi ee gobolka Awdal.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay Somaliland aqbali doonin faro-gelin ah kasta oo loogu soo xad-gudbo xuduudaheeda, isaga oo ku gooddiyey in xukuumaddiisa hab-dhaqan kasta oo gurracan ay kaga jawaab-celinayso mid la mid ah. “Somaliland ma aqbali doonto nooc kasta oo faro-gelin ah oo xuduudaheeda lagu sameeyo. Tallaabo kasta oo qaldan oo nagaga timaadda waddamada Jaarka ah sida ay tahay ayaanu ugala macaamilaynaa,” sidaas waxa yidhi madaxweyne Siilaanyo oo arrintan kaga hadlay qoraal uu ku baahiyey bartiisa Twitter.
“Waxaanu ku boorinaynaa dawladda Soomaaliya inay ka laabato ka-hadalka arrimaha khuseeya Somaliland, kaliya waxa ay dhaawacaysaa wada-hadallada socda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment