Sunday, June 7, 2015

17 Xanuun Oo Ay Timirtu Dawayso

Geedka barakaysan ee timirta oo ah geed ka baxa dhulka kulaylaha ah gaar ahaan dhulka aanay ku samaysmeyn badi dalagyada kale ee la quutaa, dhulka ay timirtu ka baxdo waxa kale oo la yidhaa lama dagaan, waana dhul saxare ah oo cimilo ahaana aad u kulul.
Timirtu waxa ay leedahay faa’iido badan waxaana ay caawisaa qaybo badan oo kamid ah jidhka aadamaha. Haddaba faa’iidooyinka iyo mucjisada uu koobsaday geedka timirtu maaha mid qoraal lagu soo koobi karo laakiin waxa aynu xusi doonaa waxyaahaba ugu caansan ee laga dhaxlo isticmaalka timirta.
1- Timirtu waxay dhintaa Heerka Cholesterol-ka ee Dhiiga waxayna ka illaalisaa Xiddidada Dhiigga qaada Qalafsanaanta sababtoo ah waxa ku jira Timirta Maadada loo yaqaano “Pectin”.
2- Waxay joojisaa in ay ku dhacdo Xiidmaha Cancer, waxayna ka illaalisaa Xanuunka Babaasiirta, waxayna yaraysaa Dhagxaanta ku dhasha Kaadi haysta, waxay sidoo kale fududaysaa Marxaladaha Uurka iyo Dhalmada iyo Dhiiga ka dambeeya waxaana ku jira Fibres aad u wanaagsan iyo Sonkoro dhakhso u riiqma.
3- Waxay ka joojisaa in Ilkaha uu Suus galo, sababtoo ah waxa ku jirta Maadada “Fluoride”
4- Waxay ka ilaalisaa Jidhka Sumaha waayo waxa ku jira Maadooyinka Sodium, Potassium iyo Vitamin C.
5- Waxay daawaysaa Dhiig la’aanta sababtoo ah waxa ku jira Maadooyinka Iron, Copper iyo Vitamin B2.
6- Waxay daawaysaa Jiljileeca Lafaha oo waxa ku jira Maadooyinka Calcium, Phosphorus iyo Vitamin A.
7- Waxay daawaysaa Appetite la’aanta, sababtuna waa maadada Potassium-ka ee ku jirta.
8- Waxay daawaysaa Itaal darada guud ahaan iyo Wadne xanuunka oo waxa ku jirta Maadada Manganisium iyo Copper.
9- Waxa ku jira Maadada Salinium oo ka hortagta Cancer-ka sidaas darteed baan Dadka ku nool meelaha Beeraha Timirtu u aqoon Cancer-ka.
10- Waxa ku jirta Maadada daawaysa Itaal darada xagga Galmada.
11- Waxa ku jirta Maadada “Poron” oo daawaysa Rheumatism ka iyo Cancer-ka Maskaxda
12- Waxay daawaysaa Qalaylka Dubka iyo Indhaha quruxdooda waayo waxa ku jirta Maadada Vitamin A.
13- Waxay daawaysaa Xanuunada ku dhaca Mashiinka Cuntada ridqa, waayo waxa ku jira Maadada Vitamin B1.
14- Waxay daawaysaa Timaha daata iyo Daalka Indhaha iyo Qalaylka Afka iyo Infection-ka Bishimaha, taasi waxa sahlaya Maadada Vitamin B2 oo ku jirta timirta.
15- Waxa ku jirta Maadada daawaysa Infection-ka Dubka ama jidhka.
16- Waxay daawaysaa Dacarta Caloosha waayo waxa ku jira Maadooyinka Chlor, Sodium iyo Potassium.
17- Waxay daawaysaa Xanuunada Ciridka ku dhaca waxaana laga helaa Vitamin G.
Geedka Timirta lama soo koobi karo faa’iidooyinka laga helo waana geed cunto ahaan ka sokow dawo ahaan loo adeegsado isaga oo ka hortag u ah cuduro badan oo dadka asiiba. Diinteenuna waxay dhiirigelisay isticmaalka midhaha timirta isaga oo Nagibeenii suubanaa (N.N.K.H) laga soo wariyay inuu yidhi {ma gaajoodo cida ay Gurigooda taalo Timiri} waxaana uu Xadiithkani cadaynayaa oo markhaati ka yahay ahmiyada ay leedahay Timirtu.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment