Sunday, June 7, 2015

Weftigii Madaxweyne Silaanyo Oo Diyaarad Gaar Ah Ka Raacay Addis-Ababa Islamarkaana Gaadhay Imaaraadka Carabta

UAE (Himillo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa diyaarad gaar ah ka raacay magaalada Addis-ababa ee xarunta dalka itoobiya.
Dawlada imaaraatka carabta ayaa weftiga madaxweyne Silaanyo u soo diray diyaarad gaar ah oo ka qaada dalka itoobiya oo ay ku sugnaayeen, maadaama oo ay martiqaad rasmi ah u fidisay dawlada imaaraadka carabtu.

[gallery columns="4" ids="20337,20336,20335,20333"]

Weftiga madaxweynaha waxa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha iyadoo ay kaga horyimaadeen Masuuliyiin tiro badan oo ay ka mid ahaayeen We Khalifa foundation, maxamed Alxaaji Alkhuuri iyo madax sarsare oo kale waxaana weftiga madaxweynaha loo gelbiyey halkii loogu talogalay in la dejiyo iyada oo dhamaan wadooyinku ahaayeen kuwo amaankooda la sugay laguna gelbinaayey madaxweynaha baabuurta gaarka ah ee madaxweyneyaasha loogu talogalay iyo ciidamadii amniga sugaayey oo hareero socday weftiga.

waxaana la filayaa in madaxweynaha iyo weftigiisu ay saacadaha soo socda la kulmi doonaan boqorka Imaaraadka Carabta oo martiqaadka u fidiyey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo ka wada hadli doona arrimaha labada dal ka dhexeeya iyo arrimo dhawra oo kor u qaadi doona xidhiidhka labada dal.
HALKAN KA DAAWO



Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment