Sunday, June 7, 2015

Dufcaddii koowaad oo ka Qalin-jabisay Dugsigii ugu Horreeyay ee Arrimaha Qoyska lagu baranayo oo Hargeysa laga hirgeliyey

Hargeysa, 07 June, 2015 (Himilo)- Dufcaddii koowaad ee Arday wax ka baratay Dugsiga Qoys-Kaab oo ah kii ugu horeeyay ee lagu barto Arrimaha Qoyska oo dhowaan laga hirgeliyey Somaliland, ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey munaasibad ballaadhan oo koobsatay haldoorka bulshada qaybaheeda kala duwan.
UntitledMunaasibadda Qalin-jabinta Ardayda oo ku qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qayb-galay Wasiirka qorshaynta qaranka,Guddoomiyaha golaha wakiilada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga, Qoraa Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo marti sharaf tiro badan, ayaa lagag hadlay dugsigan iyo mihiimadda uu u leeyahay dhalinyarada Somaliland ee aan wali guursan, sababaha keena burburka Qoyska iyo sidii xal loogu helo dhibaatooyinka qoys ee ka dhexjira bulshada Somaliland.
Nada Yuusuf Cumar oo iska leh fekerka aasaaska Dugsigan, isla markaana hore u qortay buug ay kaga hadashay arrimaha Qoyska oo lagu magacaabo BEERTA QOYSKA, ayaa ka hadashay sababihii ku dhaliyay inay hindisto dugsi lagu barto arimaha qoyska, waxaanay tidhi, “In badan ayaan ka ooyay, ka murugooday carruurta waddooyinka taagan, carruurta xabagta cabaysa, carruurta dooxyada joogta iyo carruurta jeelasha ku jirta, waxaasi oo dhami waxa ay noqdeen kuwo qalbigayga ku beera naxdin iyo murugo. Waxa aan is waydiiyay tolow carruurtu haddii ay jeelasha wada galaan yaa dalka xukumi doona? Tolow haddii carruurtu sidan noqoto yaa mustaqbalka dalkan u hadhi doono? Waxa kale oo aan is waydiiyay, tolow carruurtan maxaa dhibta ugu wacan, maxaa jeelka loo geeyaa?”
Iyada oo hadalkeeda sii watay, waxa ay tidhi, “Markii aan xog-ururin badan sameeyay waxa aan ogaaday inay tahay waalikood oo kala tagay, aabohood iyo hooyadood oo aan wada joogin iyo qoyskoodii oo burburay, taasina sababtay inay dooxyada tagaan. Waxa aan is waydiiyay, ma carruurta ayaa la tarbiyadeeyaa, mise hooyadood iyo aabohood ayaa la isku celiyaa?”
“Waxa aan ku fikiray intii caruurta loo jeedsan lahaa in la sameeyo iskuul lagu tuso qumanaanta,farxada iyo qiimaha uu leeyahay qoyska muslimka ah iyo diinta islaamka heerka uu ka joogo,intaanan iskuulka samaynin dalkeena ma jiro wax manhaj ah oo lagaga hadlo arrimaha qoyska, waxa aan ka fekeray inaan sameeyo Buug,bishii 8aad 2014 ayaan Emperial kaga dhawaaqay inaan qori doono buug ka hadlaya arrimaha qoyska,” ayey tidhi Nada Yuusuf Cumar.
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale ,waxaanu sheegay inay Nabad Yuusuf Cumar in la is garab taago mudan tahay, “Waa masuuliyad ina wada saaran,umaduna umad noqon mayso mujtamucuna noqon mayo mujtamac haddii aynaan qoys ka soo bilaabin, waan hambalyaynaa Nada iyo inta la hawl-gashayba,dhiirranaan ayaa ku jirta, waxa ay u baahan tahay in la garab galo, waxaynu u baahanay haddii aynu doonayno inaynu ummad noqono, unuggu waa qoyskee in qoyska laga soo bilaabo,” ayuu yidhi Boobe Yuusuf.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Nada Yuusuf Cumar waxa aynu kula talinaynaa in iskuulka lagu daro qayb diiwaangalisa dhacdooyinka, si looga tusaale qaato dhacdooyinka maalin walba dhacaya ee bulshada ka dhex dhacaya.”
Canab Cumar Ileeye oo ka tirsan macalimiinta Dugsiga Qoys-kaab, ayaa ka hadashay iyadoo sheegtay inay ardayda uga faa’idayso waayo-aragimada dhaqan ee ay u leedahay bulshada Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Madasha ka hadlay, ayaa yidhi, “Qoysku waa Aabaha iyo Hooyada oo waajibkooda garta, carruurta waxa saameeya la hadal la’aanta, cayda, dilista, waxaan aad ugu mahadnaqayaa maamulka Dugsigan Qoys-kaab oo inoo soo kordhiyay wax aad u wanaagsan, waxa kale oo aan halkan hambalyo uga soo jeedinayaa hablaha dhammaystay Qoyskaab.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Qoysku waa unugga dhismaha bulshada, bulshaduna waxa ay ka kooban tahay qoysas waddaag ah, qoysku waxa uu ka bilaabmaa Aabe iyo Hooyo,waxana ku soo biira caruur,haddii qof cimrigiisa la qiyaaso isku celcelin waxa laga yaabaa in boqolkiiba 60 uu qofku ku jiro xayndaabka qoyska,ilmuhu marka uu qoyska ku soo biro af lama dhasho,Qoysku waa halka ilmaha loogu bilaabo anshaxa iyo wanaagga, macalimiintu waa hooyada iyo aabaha.”
Geba-gebadii munaasibadda, waxa halkaas shahaadooyin la guuddoonsiiyey 25 Hablood oo dhammeystay Waxbarashada Arrimaha Qoyska ee Dugsiga Qoys-Kaab oo ay ka barteen Arrimaha Qoyska iyo Anshaxa suubban ee wada-noolaanshaha lammaanaha.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment