Saturday, June 6, 2015

Go’aanka Golaha Guurtida & Heshiiska Xisbiyadda Kee Qawaaniinta Iyo Dastuurka Dalka Waafaqsan?-W/Q Aadan Yuusuf Cilmi

Ahkristow, qormadan waxaan qalinka ugu qaatay, markaan arkay jahawareerka iyo doodaha ka taagan arrinta muddo xileedkii golayaasha qaranka iyo waqtiga doorashada la qabanaayo iyo cidda xaqa u leh inay sameyso... waa aniga aragtideyda, waana mida igu kaliftay inaan qalinka u qaato muhiimada ay leedahay in aan aragtideyda ka dhiibto doodahaasi faraha badan ee jirta :-
Beryahan hadalhaynta ugu badan ayey ahayd doodaasi S/land gudde iyo dibbadba, dulucdeedda ayaa ku qotantay muddo kordhintii Guurtida S/land u sameeyeen xukuumadda & golaha wakiilada iyo Heshiiskii Saddexda Xisbi Qaran qallinka ku duugeen, oo ay ku magacaabeen "Heshiis is afgarad "Xilliga ay qabsoomayso doorashooyinka is barkan ee madaxtooyada iyo Golaha wakiiladda, iyadoo ay dadweynaha S/land aad u hadal-hayaan muddo kordhintaa iyo Heshiiskaasba.
Golaha Guurtida:-
Ugu horreyn Muddo kordhintii ay 11 May 2015, Golaha Guurtida u sameeyeen, muddo Sanad iyo toban bilood ah, xukuumadda iyo golaha wakiilada oo muddo xiloodkoodu dhamaanayey ayaa siday guurtidu sheegtay ku eekaan doonta waqtiga ay ku kordhiyeen :- 27-ka April 2017.
Haddii aan dhinaca sharciga u leexano soo saaridda Muddo korodhsiimadda Go’aanka Guurtida: waxay saxaafadda u baahiyeen inay gebi ahaanba laaleen, muddo xileedkii doorashada hore oo ku cayinayd warqadda lambar :- KDQ/XK/406/2015 ee 20/04/2015, kana soo baxday xafiiska komishanka Doorashooyinka Qaranka, maadaama ayey yidhaahdeen guurtidu, aanay waafaqsanayn xeerka doorashada lambar 20/2001, qoddobkiisa 8aad oo u dhigan nuxur ahaan, "in aanay komishanku cayimi Karin muddo/maalin doorasho oo ka baxsan dhammaadka muddo xileedka Madaxwaynaha, ku xigeenka iyo Golaha wakiiladdaba, ‘’sidoo kalana ayey yidhaahdeen, aanay waafaqsanayn qoddobada 42aad iyo 83aad ee Dastuurka JSL .
Isla-markaana waxay Golaha Guurtidu muddo xileedkii Madaxwaynaha iyo ku xigeenka Madaxwaynaha oo ku eggaa 27/7/2015, ku sameeyeen korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illaa 27/4/2017.
Sidoo kale Golaha Wakiiladda oo dhammaadka muddo xileedkoodu ku eggaa 27/7/2015, lagu sameeyay muddo korodhsiimo ka bilaabmaysa 28/7/2015 illa 27/4/2017.
Saddexda Xisbi Qaran
Haddaba dhinaca kale waxa iyaguna 27 May 2015, Munaasibad ay qabteen Saddexda Xisbi Qaran, qallinka ay ku duugeen Heshiis is afgarad lagu magacaabay oo laga gaadhay Xilliga ay qabsoomayso doorashooyinka is barkan ee madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada. sidaa daraadeed laysku raacay in doorashooyinkaasi qabsoomaan :- Bisha December ee Sannadka 2016 ka.
Haddaan u soo noqono Doodda la adeegsanayo ka hor heshiiskii Xisbiyada, waxay mucaaridku dood ka dhigan jireen in maalintii ay guddida doorashooyinku qabteen, ay ahayd inay doorashada qaban karaan oo ay horena iyagu u lahaayeen in muddo kordhinta lagu muddeeyo (G.Guurtida). kol hadaanay jirin duruuftiina xaq uma laha inay kordhiso jiritaankeeduna maaha Heshiiskii afgarashada ee ay gaadheen, doodaasi way is bedeshay, waa heshiiskan danbe ayey leeyihiin halagu bedelo, isagaa iminka sharci-noqonaaya, ayey leeyihiin Xisbiyadu!!!.
Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ayaan Sharci ay u daliishadaan, Heshiiskaasi haynin, isla-markaana waxuu ka saarayaa xayndaabka sharciga somaliland ilaa haddana waxa ay la’yihiin Xisbiyada siyaasadu waxay ku heshiiyeen, halka ay sharciyada S/land kaga taallo, laakiin weli guurtida ayey sharciyan ku xidhan-yihiin cid kale oo sharcigu siiyey ma jirto. Manay haboonayn in ay ku dhiiradaan xisbiyadu in ay kala saxeexdaan heshiis wiiqaya go’aanka sharciga ee guurtida, si meesha looga saaro muddo kordhinta guurtidu u samaysay xukuumadda & golaha wakiiladda.
Golaha guurtida ayaa ilaa hadda ku dhegan, mawqifkiisii ahaa in lagu dhaqmo ama la hirgeliyo muddo kordhintii ay Golaha Guurtidu sameeyeen Xukuumadda iyo golaha wakiiladda, ergo kasta u tagtayna, sida dhayda ayey ugu cadayeen mawqifkooda ah, in aan xilligaa ay kordhiyeen maalina lagu daraynin, maalina lagu kordhinaynin.
ilaa hadda kama hayno wax dood sharci ku saabsan oo ay xisbiyadu ula yimaadeen guurtida jiritaankeedda, taasina waxay ina tusaysaa inuu sidaasi ku burburo heshiiskii ee ay wada gaadheen saddexda xisbi qaran, kadib markii Golaha Guurtida S/land meesha ka saareen sharciyada heshiiskaas, iyagoo ku wargeliyey inaanay xisbiyadu awood sharci ama dastuuri ah u lahayn heshiis ay kaga hor iman-karaan awoodaha dastuuriga ah ee Golaha Guurtida.
Dhinaca kale in lays-weydiiyo ayey tahay :- Guurtidu xaq ma u leedahay inay kordhiso, duruuftii ay ku kordhinaysay ma jirtay, kol haddaanay jirin duruuftee siisay oo ay xaq u yeelanayaan inay kordhiso:- Waa Qodobada dastuuriga ee 42aad iyo 83aad iyo qodobada ka hadla doorashada oo xilligeedii qabsoomi weyda.
Maadaama arrimaha doorashada dhinacyo farsamo aanay xilligoodii ku qabsoomayn, dibu-dhacuna waxa uu noqdaa sida aaffooyin dabiiciya oo dalkeena ka dhaca, si kastaba waqtigii loogu talo-galay iyo farsamooyinkii loogu tallogalay ay wax kastaaba ku dhici waayaan, waxa khasab ah, in Golaha Guurtida dalku ku dhicin dowlad la’aan iyo inay tahay awoodaha golaha guurtida leedahay, iney qiimeynta iyo muddo kordhinta iyagu u xilsaaran yihiin (xaq u leeyihiin) muran sharci kuma jiro.
Xisbiyadda Qaranka awood sharci uma-laha, inay heshiis kala horyimaadaan qodobo dastuuuriya oo dalka u yaala , islamarkaana looma baahna in xisbiyada qaranku dalka u horseedaan sharci jabin, balse waa in ay ilaaliyaan qawaaniinta & ku dhaqanka dastuurka S/land.
Ugu danbeyn, Xisbiyadu haddii ay u hogaansami waayaan muddo kordhinta guurtida, iyaga laftoodda ayaa sharciyaddii u ogolaatay xisbinimo ay muran geli doontaa.
Madaxweynaha waxaan odhan lahaa, waxaad tahay Madaxweyne la jecelahay oo wax aad u badan ka qabtay S/land, baahida lama dhameystiri karo, wax weli qabyo ah way jiraan, bani’aadankana lama wada qancin karo sidaa awgeed way jiraan dad aanay u muuqan waxqabadkaa faraha badan oo wanaag ah ee qaranka u qabsoomay.
Waxaase loo baahanyahay in xukuumadu ay u gudbiso Maxkamadda Dastuuriga S/land Muddo kordhinta iyo heshiiska Xisbiyadu ku doodayaan, si khilaafka sharcijebinta Xisbiyada qaranka u soo afjarmo, Arrinta muddo xilleedka doorashooyinka Somaliland waa in lagu xaliyaa habka dhinac ah oo distoori shacabku ay codeeyeen, loona baahanyahay in cidkastaa sharciga dalka aanay ka talaabsan, isla markaana doorashooyinkuna ay inoo qabsoomaan, waqti lumis uma baahnin iyo gacmo daalis.
Xisbiyada waxaan leeyahay hanashada kursigana waa inay ka horreyso sharcigu.
Sidoo kale waa in loo hogaansamo ku dhaqanka sharciga, waxaana laydinka rabaa, wax kasta ka hormarinta danta qaranka iyo ilaalinta Sharciga dalka, waxaan idinku dhiirigalin lahaa inaad qarankan dhankiina ka ilaalisaan, waqtigana aanu inaga lumin.
-Illaahay ayaa mahadleh-

By: Adan Yusuf Elmi
Jeddah-Saudi Arabia
HIMILOMEDIA.COM

No comments:

Post a Comment