Wednesday, June 3, 2015

“Haddii dastuurka iyo sharciyadda la ixtiraami waayo, annigu Daaroodnimo ayaan sheeganayaa, sababteedana waxa leh….”

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud
Hargeysa, 03 May, 2015 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu kula kacay masuuliyiin Qaranka ka tirsan aflagaaddo meel-ka-dhac ku ah wax-wada-lahaanshiyaha shacabka Somaliland, waxaanu ku gooddiyey haddii la ixtiraami waayo dastuurka iyo sharciyada Somaliland uu sheegan dooro qabiilkiisa Daarood.
Xildhibaan Cabdiqaadir oo ah Gudoomiye-xigeenka Guddiga Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada ayaa sheegay in haddii xaqdaradii Soomaaliya lagaga cabanayey halkan (Somaliland) ka dhacdo aanay dadku wada joogi doonin, dibna aanu ugu dulqaadan doonin aflagaadada beeshiisa lagu hayo.
Xildhibaanka oo daba-socday dhacdo uu sheegay in Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID kula kacay guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Guurtida waxa uu ku tilmaamay aflagaaddo ka hor-imanaysa wax-wada-lahaanshiyaha shacabka Somaliland, waxa uu yidhi, “Faysal Cali waraabe maalintii dhoweyd ee u hadlayey waxuu ku yidhi Gudoomiye-xigeenka Guurtida Siciid (Tima-weyne), wiilka Badhan jooga, Hargeysa iguma xukumi karo. Gud-xigeenka Guurtidu waxuu ka hadlayey sharciyad. Dalka Somaliland waxaan u haystaa annigu inuu dadka ka wada dhexeeyo, qof walba xaq iyo xaquuq ku leeyahay. Laakiin haddii Hargeysa laygu hanjabo aniga oo Faysal Cali Waraabe yidhaahdo wiilka Badhan jooga waxba ima odhan karo. Runtii aad baan uga xumahay Suldaan Maxamed Caqbdiqaadir, suldaanka guud ee Somaliland-na wuu naga qaban waayey, laakiin ballan waxaan ku qaadnay inaan iska qabano, budhka uu taagana, isaga ku garaaci doono.”
Xildhibaan Cabdiqaadir ayaa sheegay haddii sharciga dalka lagu dhaqmi waayo iyo go’aanka guurtida taasi burbur ku keeni doonto Somaliland waxaanu yidhi, “Guurtidu waa dastuuri, sharciga ay soo saartana waa dastuur, haddii maanta laga tago dastuurka oo sida Faysal Cali Waraabe doonayo dalka la burburiyo, inta jeer uu Madaxweynaha Soomaaliya la hadlay iyagoo caddeymo leh ayaan soo bandhigi doonaa, waanu ka xishoonay, wuu naga xishoon waayey, annaguna dib uga xishoon mayno.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Haduu Hargeysa ku faano oo yidhaahdo waan leeyahay, aniguna Laas-qoray ayaan leeyahay, waxaan ixtiraamayaa waxii Somaliland ku heshiisay inkastoo beeshii dhexe ka baxday, oo qodobadii laysku ogaa, balse aan dastuurka lagu qorin ay ka baxeen. Xaqdardii la sheegay in Koonfur laga sameeyey hadaad halkan ku samaysaan ma aqbalayno, lamana wada joogayo, nin walba halkuu ka yimi ayuu tegayaa, hadii dastuurka la ixtiraami waayo oo sharciyada la ixtiraami waayo, nin walba jahaduu u jeedo ayuu tegaya, annigu Daaroodnimo ayaan sheeganayaa, weligay kelmadaa ma soo qaadin, sababta aan maanta u soo qaatayna Faysal C. Waraabe ayaa ka masuul ah, waayo aflagaado ayuu maalin walba nagu hayaa.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment