Wednesday, June 3, 2015

Maareeyaha Dekeda Berbera oo ka hadlay saamaynta dagaalada Yemen ku yeesheen dhaq-dhaqaaqa Marsada

“Hadii madfacyada Yemen dili waayaan qoyskayga, waxaan filayaa inay gaajo u dhiman doonaan, maadama…”
Mulkiilaha Doonta Ala-adiin

Berbera, 03 May, 2015 (Himilo)- Maareeyaha dekedda Berbera Cali Maxamed Cumar (Cali-Xoor-xoor) ayaa sheegay in dagaalada ka socda Yemen saamayn weyn ku keeneen dhaqdhaqaaqii dekeda iyo ganacsigii dalka, xilli mashruuc horumarin iyo balaadhin ka socoto.
Mr. Cali Xoorxoor oo u waramayey telefishanka AlJazeera ayaa sheegay in dagaalada Yemen saamayn weyn ku yeesheen dakhligii dekedda, “Dagaalka Yemen wuu na saameeyey, ma jiro xoolo dhoofa iyo ganacsi soo dega, taasoo hoos u dhac ku keentay dakhligii dekeda,” ayuu yidhi Eng Xoor-xoor.
Sida uu baahiyey telefishanka Al-Jazeera, Cali Maxamed oo ah mulkiilaha Doon ka dhex-shaqayn jirtay Somaliland iyo Yemen, ayaa ku ducaysanaya in dagaaladu joogsadaan si uu shaqadiisa u bilaabo.
Shaqaalahiisa oo 22 ah waxay bil walba u kala safri jireen Yemen iyo Berbera oo xoolo gaadhaya sideed kun u qaadi jireen, laakiin, ilaa March waxay ku xanibnaayeen dekda Berbera.
“Shaqo ma jirto, qoyskaygii waxuu joogaa Yemen, waa inaan shaqeeyo lacag aan ku taageero, balse dagaalkii ayaa Berbera na joojiyey.: ayuu Cali Maxamed u sheegay Al Jazeera.
“Hadii madfacyada Yemen dili waayaan qoyskayga, waxaan filayaa inay gaajo u dhiman doonaan, maadama aanan cunto u iibin Karin shaqo la’aanta.” Ayuu raaciyey Cali Maxamed.
Dagaalada dalka Yemen ayaa ku soo beegmay wakhtigii ugu xumaa ganacsatada, maadama wakhtigi bisha Ramadaan taagan tahay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment