Hargeysa (Himilomedia)-08-2015- Wasiirkii qorshaynta xukumaddii Riyaale Cali Ibraahin Maxamed(Cali Sanyare), ayaa is bar-bar dhig ku sameeyay Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo xukumaddii Rayaale waxaanu ku dooday in Xukumaddii Rayaale dhistay haykalka dawladnimo balse tan haatan meesha ka saartay nidaamka dawladnimo, taas bedelkeedana faafisay qabyaalad iyo musuqmaasuq.
Mudane Cali Sanyare oo isbar-bar dhigaya labada Xukumaddood eek ala dambeeyay ayaa yidhi “Labada dawladood waxaan la isku barbar dhigayn baa jira,dawladdii Riyaale horta way ka dulqaad badan tahay tan Siilaanyo, way ka samir badan tahay oo way ka dulqaad badan tahay, yacnihii qof kasta oo hadla afka kagamay soo boodayn ama may xidhayn.
Ta labaad qabyaaladda, dee xadkan ay hadda salka u tahay in taladiiba qabiil lagu qaado wixii walba ee xukumadeed ee la samaynayo way ka yara asturnayd.
Ta saddexaad, waxaa kale oo jirtay amnigu min daraf ilaa daraf wuu sugnaa, oo ciidankan imika lagu faanayo dawladdii Cigaal ma dhisin ee tii Riyaale ayaa dhistay oo aad iskugu taxluujisay.
Waxan lagu celcelinayo ee la leeyahay waxbaa la sameeyay dee Xukumaddii Rayaale ba way jireen Mashaariic badan laakiin, waxaa ugu muhiimsan labada dawladood tee baa hanaankii dawladnimo u eeg amase tee baan u eekayn.”
Cali Sanyare waxa uu sheegay inay fiican yihiin dhismeyaasha xarumaha dawladda iyo dhagaxa dayrarka lagu qurxiyay balse ay ka daran tahay qabyaaladda iyo dib u dhaca dhinaca caqliga.
“Bal waxaad isku eegtaa waxqabadkaas dayrarka iyo meelaha la dhisay iyo ta kale ee ah caqliga oo aynu dib uga dhacnay, bal ta qabyaaladda oo kale soo qaad, dadku imika wuu kala qob-qoban yahay oo qabyaalad xun ayaa socota oo aan wadanka jiri jirin, waxan baana ka xun oo dawladnimada dila. Dayr waa la samayn karaa daarna waa la dhisi karaa laakiin, caqligii dhalinyaradu hadda waxay u haystaan musuqmaasuqiina in la fasaxay oo cid waliba booba yaa waddani ayay ku jirtaa, markaa dawladdii Rayaale haddii musuqmaasuq lagu sheegi jiray dhawr qof baa lagu sheegi jiray laakiin, tan cid ka maqan ba ma jirto, markaa xaggaaas baa dawladnimada laga eegaaye dayr yar oo cas oo la waageeray lagama eego, markaas waxaan leeyahay Xukumaddii Rayaale iyo tan Siilaanyo marka la isku eego tii Rayaale waxbay dawladnimadii Cigaal ka tagay ku kordhisay laakiin haddii qoladani inaga tagaan inta la saxayo caqligaa dadka ee musuqmaasuqa iyo qabyaaladda lagu beeray ayaa wakhti inaga qaadanaysa”
Wasiirkii qorshaynta xukumaddii Riyaale Cali Ibraahin Maxamed(Cali Sanyare), ayaa sheegay in masuuliyadda dib u dhaca doorashada ay leedahay Xukumadda madaxweyne Siilaanyo ee talada dalka haysa.
Mudane Cali Sanyare, waxa uu meesha ka saaray in guurtidu sharci u leedahay muddo kordhinta isagoo tilmaamay inaan xaaladdihii sharcigu tilmaamay aanay dalka ka jirin.
Mudane Cali Sanyare, oo lagu waraystay barnaamijka TV-ga Universal ka baxa ee milicsiga siyaasigu waxa uu sheegay inaanay meesha leekayn in la isku riix-riixo cidda ka masuulka ah dib u dhaca doorashada.
“Wax walba oo masuuliyad ah oo waddan ka dhacaya, waxaa had iyo jeer ka masuul ah xukumadda markaas taagan, waayo? Waxa loo doortay in barnaamijyada markaas taagan oo dhan dhammeeyaan oo u dhammeeyaan si hagar la’aan ah.wixii dib u dhac ee ku yimaada waa in Xukumaddu qaadato oo aanay dafirin, dadkana u sheegto oo tidhaahdo waanu ka xunnahay anagaana masuuliyadda leh laakiin, maaha In la isku celceliyo, masuuliyadda wanaag iyo xumaan wixii dhaca waxaa iska leh xukumadda mudadaas joogta” ayuu yidhi Cali Sanyare.
Mudane Cali Sanyare waxaa uu intaasi raaciyay “Dhinaca sharciga markaad ka eegto xeerka doorashooyinka ayay ku cadday in cayimaadda doorashada ay iska leeyihiin Guddida doorashooyinku. Guurtidu waxay leedahay sababo dastuurka ku qoran awgood inay muddo kordhin samayso, waana xaalad degdeg ah, abaaro dhaca, dhulgariir yimaada,duufaanno yimaada marka waxaasi dhacaan ayay guurtidu kordhin kartaa, meel ay odhanayso iyagu intaa wax ka baxsan way u kordhin karaan muddo kordhin ma jirto.”
Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa golaha wakiilada gaar ahaana gudoomiye Cirro ku eedaysa inuu habsaamiyay xeerka diwaangalinta codbixiyeyaasha oo muddo afar bilood ah golaha horyaalay, taasina keentay dib u dhaca doorashada, balse eedahaasi wuu iska diiday gudoomiye Cirro.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment