Wasaarada caafimaadka Isutaga Imaaraadka Carabta iyo laanta danbi baadhista ee Interpol oo ka digay isticmaalka kiniinka loo yaqaan DNP oo ay daku isticmaalaan inay isku caateeyaan ama isku dhuubaan, waxa sidoo kale loo isticmaala dhisida jidhka, iyadoo laanta danbi baadhista adduunka ee intrepol-na si adag uga digtay khatarta ay leedahay isticmaalkeedu, waxaana lagu sababeeyey inay ku jiraan maadooyin waxyeelo ku keeni karta caafimaadka aadmiga.
Waxa iyaduna digniin ka soo saartay isticmaalka dawadan maamulka caafimaadka dalka Fransiiska waxaanay ugu baaqday dadka ka ganacsada inay hoos u dhigaan isticmaalkeeda, isla markaana ka joojiyaan macaamiisha ay ka iibin jireen, maamulka dalka faransiiska ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo u geeriyooday kiniinkan isticmaalkiisa.
Dhinaca kale laaanta Danbi baadhista adduunka ee Interpol ayaa soo saartay digniin ka dhan ah in dadku isticmaalaan kiniinka DNP iyadoo intaasi ku dartay in daawadan marka ay caydhiinka tahay loo isitcmaali karo walxaha qaraxa sameeya, waxaanay sheegeen booliska adduunku inay u dhimatay gabadh u dhalatay dalka Britain iyo sidoo kale nin u dhashay dalka faransiiska oo isna ku jira xaalada sakaraadka oo u jiifa cusbitaal.
Wasaarada caafimaadka ee dalalka imaaraadka ayaa ogeysiis ku bixisay in dhamaan laamaha caafimaadka iyo wasaaradaha ay khusayso sida wasaarada deegaanka iyo biyaha, wakaalada Tayaynta cuntada iyo laamaha Amniguba ay joojiyaan isticmaalka daawada ama kiniinka DNP oo la ogaaday inuu leeyahay khatar caafimaad daro.
Dr Amin Al Amiri, oo ka hawl gala xarumaha caafimaadka Dawlada iyo laamha amaanka dalkaasi imaaraadka ayaa sheegay in laga mamnuucay kiinkan DNP warshadaha soo saari jiray isla markaana cidii lagu arko iyada oo ka ganacsanaysa ama wershada soo saarta laga qaadi doono talaabo sharciga waaafaqsan.
Wiil sheegay inuu jeclaaday Gabadha uu dhalay Madaxweyne Obama oo isna la Caashaqay.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment