Saturday, June 6, 2015

Qaramadda Midoobay oo Xaqiijisay Sababaha Bangiyada caalamku u joojiyeen Wada-shaqayntii Xawilaadaha Soomaalida iyo Xalka loo hayo

New York, 06 June, 2015 (Himilo)- Wakiilka Xoghayaha Qaramadda Midoobay u qaabilsan horumarinta dhaqaalaha Ms Queen Maxima ayaa sheegtay inay jirto caqabad soo waajahday baananka Xaawaladaha Soomaalida u fududeyn jiray lacagaha loo diro Soomaaliya, kuwaasoo ay ku doonayaan ogaanshaha shaqsiyaadka ka faa’idaysanaya, taasina keentay xanibaadaha badankoodu ku joojiyeen.
vlcsnap-2015-06-05-22h41m07s35Ms Maxima oo shalay wax laga weydiiyey dedaalada Qaramadda Midoobay u qaaday sidii xal loogu heli lahaa xanibaadaha baananku ku joojiyeen lacagahii ay u diri jireen Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan qorshe xal loogu helo sidii xawlaadaha lacagahu u sii socon lahaayen
Mar wax laga weydiiyey siday u aragto xaalada xawaaladaha lacagaha dira gaar ahaan Soomaaliya oo baddi baananka waaweyn sida Barclays iyo Westpac joojiyeen wada-shaqayntii Xawaaladaha Soomaalida ka dhaxaysay iyo sida ay u xallinayaan, waxa ay sheegtay in joojinta lacagahii xawaaladuhu yihiin arrin culus oo dhamaan hay’adaha gargaarku ka hadlayaan.
“Muddooyinkii u dambeeyey waxa socday werwer la xidhiidha hawlahaa, oo keliya aan ku koobnayn ogaanshaha macmiilka baananka, balse in la sii ogaado qofka uu lacagta loo dirayo. Xilligan waxa la diyaarinayaa hab loo diro lacagahaa, iyadoon werwerkii hore weli meesha ka bixin.”
Haweenayda QM u qaabilsan arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegtay in hawshaa iska kaashanayaan QM, wadamada caalamka iyo baananka waaweyn, waxaanay tidhi, “Hawshan xal u raadinteedu keliya kuma xidhna QM, balse waxaan iskaashi kala leenahay wadamaddacaalamka qaarkood iyo baananka waaweyn.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment