
Wargeyska AfricaAnswers warbxintiisa ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynahii siddeedaad ee dalkaasi yeesho, ayaa xilkaa qabtay bishii September 2012-kii, waxa lagu sheegay inuu mushahar ahaan u qaato bishii $125,000, (Boqol labaatan iyo Shan Kun) taasoo noqonaysa inuu sannadkii helo lacag gaadhaysa $1,500,000 (Hal Milyan iyo Badh)
Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma ayaa ku jira madaxeynayaasha ugu mushaharka sareeya qaarada Afrika oo hela sannadkii lacag gaadhaysa $272,000. Sannadkii 2012 waxuu saxeexay xeer u kordhinaya madaxda dawlada 5.5% mushaharkooda.
Madaxweynaha Aljeeriya Cabdulcasiis Boutelfiqa oo ah madaxweynahii shanaad ee dalkaa ayaa xilka hayey ilaa1999. Boutefliqa oo wasiirka khaarajiga Aljeeriya ahaa intaanu madaxweynaha noqon ayaa sannadkii mushar ahaan u qaata168,000
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyata oo madaxweynahii afaraad ee dalkaa ah ayaa xilkan hayey ilaa april 2013. Kenyata ayaa sannad walba hela lacag gaadhaysa $ 132,000. Waxuu tusaale u noqday dhimista mushaharka uu bishii qaato oo ahaa 14,000 ka dhigay 11,000, balse taasi kuma jirto gunooyinka kale uu qaato.
Dhinaca kale warbixintan laga diyaariyey madaxweynayaasha Afrika ugu mushaharka badan, waxa kaalinta labaatanaad ka galay madaxweynaha dalka Zimbabwi Robert Mugabi oo lagu sheegay inuu sannadkii mushahar ahaan u qaato lacag gaadhaya 18 kun dollar, marka laga reebo gunooyinka kale u helo.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment