Thursday, June 11, 2015

Xaddiga lacagta ku baxday Mashruuc Noociisu Ugub ku yahay dalka oo laga hirgeliyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa

Midowga Yurub oo ka hadlay Qalabka Casriga ah oo Wasiirka Caafimaadka Xadhigga ka jaray

Hargeysa, 11 June, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), ayaa xadhigga ka jaray Qalab Casri ah oo lagu diiwaangelinta Bukaanka soo booqda Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, kaas oo loogu talo-galay in lagu ogaado xaaladda Bukaannada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa waxtarka iyo tayada adeegyada cusbitaalku bixiyo.
Qalabka loogu talo-galay diiwaangelinta Bukaanka oo ku shaqaynaya nidaamka Casriga ah ee sawirka faraha, ayaa keydinaya xogta iyo macluumaadka qofka bukaanka ah, iyadoo si fudud loo heli karo macluumaadka qofka haddii uu wakhtiyo kala duwan adeegyo caafimaad u doonto cusbitaalka.
Dr Saleebaan Xagla-toosiye oo ay weheliyaan Agaasimaha Cusbitalka Guud ee Hargeysa, saraakiil ka socotay hay’adaha cusbitaalka ku taageeray hirgelinta mashruucan oo ay ku baxday lacag gaadhaysa 1.5 Milyan oo Yuuro (1, ayaa si wada-jir ah u furay Qalabkan oo loogu magac-daray Nidaamka Diiwaangelinta Bukaanta ee cusbitaalka Guud.
Agaasimaha Cusbitaalka Guud Dr Axmed Cumar Askar oo sharraxayey Muhiimadda iyo faa’iidada uu leeyahay, ayaa sheegay in qalabkani si fudud u diiwaangelinayo bukaan-socodka, “Markay bukaan-socodku yimaaddaan waxay helayaan diiwaangelin electaroonik ah, mar kasta oo qofku soo noqdana ay suurto-gal tahay in xogtiisa la helo,” ayuu yidhi Agaasimaha Cusitaalka Guud ee Hargeysa.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleeban Xagla-toosiye, ayaa sheegay in qalabkani ka dhigayo adeegyadii caafimaadka ee cusbitaalka Hargeysa inay la mid noqdaan cusbitaallada caalamka.
“Farxad weyn bay noo tahay in cusbitaalkani yeesho nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo bukaanka, laguna wadayo maamulka, hadday noqoto xagga lacagta iyo haddanay noqoto xagga shaqaalaha-ba; wuxuu beddeli doona nidaamka maamul ee cusbitaalka, wuxuu soo kordhin doonaa adeegyo badan, wakhti badan-na wuu baajin doonaa,” sidaas ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waa markii u horeysay taariikhda Somaliland (Cusbitaal) ay ka hirgalaan nidaam electaroonik ah, waana cusbitaalka u horeeyey ee nasiibka u yeesha, waxaan rejaynayaa in aad looga faa’ido.”
Dhinaca kale, war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi oo mashruucan maalgeliyey, ayaa lagu sheegay in lacag ku dhow 1 milyan iyo Siddeed Boqol oo Dollar ku baxday hirgelinta mashruucan oo Midowga Yurub ay iska kaashadeen xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan mashaariicda iyo hay’adaha Terre Solidali.
Waxa kale oo lagu sheegay inuu qayb ka yahay Mashruuc loogu magac-daray Taageerada Adeeg-bixinta Caafimaadka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo Midowga Yurub taageero dhaqaale ku bixiyo.
War-saxaafadeedka, ayaa u qornaa sidan:- “Maanta (shalay), Midowga Yurub iyo hay’adaha la shaqeeya, Dhakhtarka Guud ee Hargeisa, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS) iyo Terre Solidali waxay daah fureen Nidaamka diiwaangelinta bukaanka” ee Dhakhtarka Guud ee Hargeisa.
Mashruuca oo ay ku baxday 1.5 Milyan oo Euro ayaa ujeedadiisu ahayd in sare loogu qaado xaaladda caafimaad ee dadka badan ee isticmaalaha dhakhtarka iyadoo sare loo qaado waxtarka, adeega, tayada, iyo joogtaynta adeegyadda Dhakhtarka Guud ee Hargeysa. Isticmaalka nidaamka casriga ah ee faraha sawiraya ayaa wuxuu sahlayaa in la helo xogta bukaanka ee waaxyaha caafimaadka sida (baadhitaanka, shaybaadhka, iyo dawooyinka) iyo ka faa’iidaysiga bukaanka ee adeegyadda dhakhtarka. Bukaanka, marka la diiwaangeliyo waxaa la siinayaa warqada sugista, isla warqadaas ayaa loo isticmaalayaa in lagu bixiyo lacagta Qaybta Bukaan Socodka (OPD) si loo arko dhakhtarka haddana isla warqada ayaa lagu lacagta shaybaadhka iyo adeegyada kale ee loo baahan yahay.
Nidaamkan cusub wuxuu ka qayb ka yahay mashruuca guud ee Midowga Yurub ee la yidhaahdo “Taageerada Adeeg Bixinta Caafimaadka ee Dhakhtarka Guud ee Hargeisa” kaas oo ay ku jiraan nashqadaha kaabayaasha cusbitaalka, iibinta qalabka dhakhtarka iyo sidoo kale dhisida awooda dhinaca maamulka iyo xisaabaadka.” Sidaas ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Midowga Yurub ee Nairobi.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment