Maamul-goboleedka Puntland oo hore ugu hanjabay inay awood ku qabsanayaan gobollada Sool iyo Sanaag ee Somaliland oo maamulkaasi sheegto inuu leeyahay, ayaa maalmihii u dambeeyey ku hawlanaa dhaq-dhaqaaqyo ay ugu diyaar-garoobayaan duullaan ay ku soo qaadaan gudaha Somaliland iyagoo taageero ka helaya dowladda Soomaaliya iyo dalal kale.Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho waxa uu maamul-goboleedka Soomaaliya uga digay tallaabo kasta oo ay ku hungureeyan faro-gelin ay ula soo badheedhaan Somaliland, “Nimankaasi inay dhibaato kale soo doontaan mooyaane, toodii bay la il-daran yihiin, waxaan ku leeyahay hanjabaadaha aad samaynayaan idiinma fiicna, waad arkaysaan waxa magaalooyinkiina ka dhacaya habeen iyo maalin, Somaliland-na idinka ayay idin ilaalisaa, ciidanka jooga Gambadha iyo Tukaraq, wax badan oo iyaga (Puntland) gudahooda ka dhici lahaa, ayaa lagaga baqdaa. Haddiise ay Somaliland soo fara-geliyaan, waxay Somaliland awood u leedahay inay qabsato saddexdooda magaalo ee ugu waaweyn,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho oo warbaahinta la hadlayey shalay.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan qabaa inay cid kale dabada ka soo waddo, taasina waxay la xumaan doonaa Puntland. Waxa dabada ka soo wadaa waa Gaalo iyo dadkaa Soomaaliya jooga oo iyagoo isku-dawakhsan oo ku heshiin la’ Kaalkacayo iyo Puntland oo doonaya inay dhibaatadooda ku qariyaan oo Somaliland la soo doontaan. Waanu ognahay nimankaas taageerayaana way kula socdaan oo baryahanba ciidamo ayay meelahaas ka wad-wadeen, laakiin Somaliland ciidankeeda iyo shacabkeedu way ku filan yihiin inay xuduudaheeda difaacdaan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment