“Waa nasiib-daro in Ingiriiska iyo wadamada kale ku guuldaraystaan kala garashada Somaliland iyo Soomaaliya…” – Benjamin Carey
Hargeysa 05 April, 2014 (Himilo)- Agaasimaha Shirkadda Dunira Strategy Ltd, Benjamin Carey, ayaa nasiib-daro ku tilmaamay in Dawladda Ingiriiska iyo wadamada reer Galbeedku ku guuldaraystaan kala garashada Somaliland iyo Soomaaliya.
Mr. Carey oo ka mid ah asaasayaashii guddiga dib-u-eegista talooyinka socdaal ee Xukuumada Ingiriiska, oo ka hadlayey daraasad ku saabsan dalxiiska Somaliland oo lagu soo bandhigay, Hargeysa ayaa sheegay in talooyinka socdaal ee xafiiska Arrimaha Dibedda Ingiriisku hakad gelinayo maalgashedayaasha iyo dalxiisayaasha iman lahaa Somaliland, waxaanu yidhi, “Waa nasiib-daro in Ingiriiska iyo wadamada kale ku guuldaraystaan kala garashada Somaliland iyo Soomaaliya. Somaliland waa dal nidaam dimoqraadi shaqeynaya leh, dhiirigelinta dalxiiskeeduna waa fursad keenaysa koboc dhaqaale,” ayuu yidhi.
Mr. Carey oo ka hadlayey sida digniinaha socdaal ee Ingiriisku ku wada sheego Somaliland iyo Soomaaliya ay caqabad ugu keento horumarka dhinaca Somaliland ayaa yidhi, “Digniinaha socdaal ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Ingiriiska waxa uu hakinayaa dalxiisayaasha iyo maalgashedayaasha xiisaynaya dalkan, taas oo caqabad ku keenaysa koboca dhaqaalaha, isla markaana dhaawacaysaa sharciyan helitaanka horumar laga gaadho dhinaca ganacsi.
Dunira Strategy Ltd waa shirkad caalami ah oo bixisa adeegyada suuq-geynta, tabobarrada xidhiidhka Dadweynaha iyo talooyinka la xidhiidha horumarinta iyo maareynta Deegaannada ku habboon Dalxiiska.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment