Hargeysa (Himilo) shan ka mid ah lix maxbuus oo ka baxsaday xabsiga weyn ee Hargeysa ka dib markii la sheegay inuu dagaal dhexmaray ciidankii ilaalada xabsiga ayaa la qabtay, midna weli waa la raadinayaa, halka askari ka tirsan ciidanka Asluubta oo ahaa ilaaliyihii dusha sare ee jeelka oo magaciisa la odhan jiray Cabdi Siciid uu geeriyooday, halka askari kale oo lagu naanayso Beergeel ku dhaawacmay weerarka dhexmaray maxaabiista iyo ciidanka Asluubta.
Dagaalka maxaabiista oo askari ka tirsan ciidankii ilaaladu ku dhaawacmay ayaa wararka hordhaca ah sheegayaan in maxaabiistan oo ka mid ahayd kuwa loo soo qabtay budhcad badeednimada u suurtowday inay dagaal ka bilaabaan xabsiga dhexdiisa, ka dib markii ay heleen baaskoolado loogu soo dhexqariyey raashinka loo keeno.
Xogo u dhow dhacdadan ayaa u xaqiijiyey wargeyska Himilo in qabashada shantan maxbuus qeyb weyn ka qaateen dadweyne ka dhowaan agagaarka jeelka weyn, laakiin si weyn dadweynahu isku weydiinayaan sababta keentay in rag maxaabiis ah u suurtowdo in hub loogu geeyo xabsiga dhexdiisa.
Taliska Ciidanka Asluubta ayaan weli wax war ku saabsan dhacdadan soo saarin, inkastoo la filayo inay saacadaha soo socda ka hadlaan xaqiiqooyinka ku hareeraysan dhacdadan, oo mid la mid ah sannado ka hor uga baxsadeen maxaabiis u xidhnaa falal argagxiso, balse lagu guulaystay qabashadooda, oo dadweynahu qeyb lbaax ka qaateen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somalilan
No comments:
Post a Comment