Hargeysa(Himilo)- Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga taladda haya ee KULMIYE ayaa maanta Duhurkii la soo gebo-gabeeyey, ka dib markii uu is-beddel la’aan ku dhammaaday, isla markaana dib loogu doortay xubnihii hore ee Hoggaanka Xisbiga oo loo doortay shanta sano ee soo socda inay Xisbiga hoggaamiyaan, kuwaasoo aanay jirin cid jagooyinkoodii hore kula tartantay.
Shirkaas oo shalay ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta waxay Ergada shirka ka qaybgashay ku ansixiyeen Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo aanay cidi kula tartamin xubin waliba booskii ay markii hore fadhiday, waxaana Guddoomiyaha Xisbiga mar kale loo doortay Muuse Biixi Cabdi, iyada oo aanay cidi kula tartamin, Guddoomiye ku xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo), Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye ku-xigeenka Afraad Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), waxaana sidoo kale Xoghayihii Xisbiga KULMIYE loo ansixiyay Xasan Siciid Yuusuf, kuwaas oo xilka hayn-doona muddo shan sannadood ah oo maanta ka bilaabantay.
Sidoo kale waxa lagu ansixiyay in la kordhiyo tirada xubnihii golaha dhexe oo lagu daro 100xubnood iyo 10xubnood oo madaxweynuhu soo xulo iyo 10xubnood oo guddoomiyaha xisbiga kulmiye soo xulo iyo 6xubnood oo madaxweyne ku xigeenka soo xulo, oo isugeyn noqonaya 126xubnood balse marka loo geeyo tirada golihii dhexe ee kulmiye ee hore oo ahaa 175xubnood, sidaasi awgeed ayaa golaha dhexe ee kulmiye uu noqonayaa 301xubnood oo aan la sheegin habka loo soo xulayo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment