Monday, April 21, 2014

Beesha Makaahiil (Sacad muuse) Oo Qaadacday Ka-Qaybgalka Shirweynaha Xisbiga Kulmiye




Hargeysa(Himilo)-Beesha Makaahiil oo ka mid ah Beelaha Sacad muuse ayaa ku dhawaaqday inay qaadaceen  ka mid noqoshada Ergooyinka ka qaybgelaya Shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu wado inuu dhawaan qabsoomo.


makaahiilShir jaraa’id oo ay  Cuqaasha, ugaasyada, salaadiinta, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo hormoodka kale ee beeshu ku qabteen magaalada Hargeysa, ayey ku sheegeen inay saluug ay qabaan dareed  Go’aan ugu gaadheen inay qaadacaan  ka mid noqoshada xubnaha ergooyinka ka noqonaya shirweynaha Kulmiye.


Waxa ay beeshu ku eedaysay Xisbiga Kulmiye inuu kala masuugay wax badan oo ay xaq u lahaayeen, waxaana ay si buuxda u sheegeen inay Go’aansadeen inay  dibadda ka joogaan ergooyinka xisbiga shirkiisa ka qaybgalaya.


Oday Cabdi faarax oo ka mid ah waxgaradka Beesha Makaahiil oo shirkaas jaraa’id ka Hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta ku kalliftay inay Go’aankaas qaadacaadda ah qaataan, “waxaanu ka hadlaynaa waxyaabo badan oo naga maqan xisbiga Kulmiye oo masiirkii iyo saamigii ay ku lahaayeen aan ku haynin, Halgan badan baanu xisbiga u soo galnay, Hannaankii loo qaybsaday Ergooyinkana waanu ka soo horjeednaa waana mid aanu aad uga xunnahay, wax na qabta oo aanu qaadan karnana ma aha.”Ayuu yidhi Oday Cabdi Faarax.


Oday Cabdi Cali oo isaguna hoggaanka Beesha ka tirsan ayaa xusay inay Qabaan cabashooyin ka badan xisbiga Kulmiye dhexdiisa, isla-markaana ay Beel ahaan ka tashan doonaan Masiirkooda Dambe, waxaana uu yidhi,“ Haddii ay Beeshu hore ulo Booc ah ugu tukubaysay Maanta mid galool ah baa lagu Tukubayaa, Guud ahaanba Hab-qaybsiga Somaliland Beeshu way ka qatan tahay, Halkii u dan ahna way mari doontaa, Hoggaanka Kulmiye-na waanu Tusi doonaa Meesha aanu tagno oo si dhakhso ah ayey u arki doonaan.”


Oday Xaaji Yuusuf Xaaji Cabdilaahi, ayaa isaguna Sheegay inay Nabadda iyo deganaanshaha Somaliland ixtiraam u hayaan, balse ay ka maarmi waayeen inay Badheedhahooda  iyo tabashada ay qabaan saxaafadda Mariyaan, waxaana uu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi, “Dagaal iyo dhib kale midna ma wadnee Dan aanu leenahay oo aanu ka maarmi weynay ayuun baa maanta meesha na keentay, Dawladda iyo dalkaba waanu jecelahay, laakiin Caddaalad darro ayaanu tirsanaynaa, Ku Tumasho badan ayaanu sheeganaynaa,”


                                                                                                                                  


Ugaaska Guud ee Beesha Makaahiil Ugaas Maxamed Cabdilaahi Ibraahim ayaa isaguna ku dheeraaday Abaal iyo dedaal dheeri ah oo ay beel ahaan u soo galeen  Xisbiga kulmiye, taas oo aanay wali abaalkii ay lahayd ka helin xukuumadda, waxana uu yidhi, “umaddu inay xaqeeda ka hadashaa waajib bay tahay, dulmina lama qaato, Xibsiga Kulmiye Maalintii la Aasaasay ilaa iyo maanta naftaa nagaga baxday sida umadda kaleba, markii laga helay Doorashadii hore ee madaxweynaha intii uu mucaaridka ahaaba mucaarid baanu ahayn beeshana cadaadis badan iyo dhibaato ayaa  kagaga timi, wixii aynu u soo tabcaynayna waxay ahayd inaynu ka helno, Xisbiguna wuu ina dulmay, caddaalad-darro ayuuna inagu sameeyey.”


Ugaaska ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay codad xad-dhaaf ah oo Beeshu xisbiga siisay, taas oo aanay waxba kaga soo Noqonin, waxaana uu yidhi, “Siddeed kun oo Cod ayey Beeshu siisay Kulmiye oo urur-nimadii ayey ka soortay oo xisbinimo siisay, maantana waxa ka Nasiib badnaaday kuwii ridayey  ee ka soo horjeeday waana ayaan-darro.”


 


Suldaan Maxamuud Siciid oo ka mid ah Salaadiinta Beesha Makaahiil ayaa isagu si gaar ah u sheegay inay Wax ka tirsanayaan Xubnaha ka soo jeeda Beesha Sacad muuse ee qaybinayey Saamiyada Beelaha reerku ka heleen Ergooyinka, waxaana uu ugu Baaqay Guud ahaanba Beesha inay isugu yimaadaan sidii ay aayahooda Goob midaysan u dhigi lahaayeen,  “Ragga ka taliya Kulmiye ee Sacad Muuse wax u qabinayey sida ay wax u qabiyeen baanu diiddanahay, beeshana wax u qalma may siinin mana aha markii ugu horraysaye waa isdaba joog, Hadaanu Beeshaas Makaahiil nahayna waxaan leeyahay Beeshu ha isu timaaddo meelkasta oo ay joogtaba oo Masiirkeeda haka Tashato.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Siciid.


Saluugan ay Beesha Mahaakiil Isaxaaq ka muujisay Saami-qaybsiga Xubnaha Ergooyinka ugu qaybgelaya Shirweynaha Kulmiye, ayaan ku koobnayn kaliya Beeshan, waxase jira Beelo ka Horreeyey oo hore ugu dhawaaqay inay kalsoonidii kala noqdeen Xisbiga Kulmiye.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment