“Marka qofku Illaahay la kaashado wuu u fududeeyaa, haddiise uu u arko xilka iyo masuuliyadda uu hayo Ragannimo iyo aqoon uu leeyahay inuu ku wado meel kuma gaadho…” Wasiir Cabdicasiis M. Samaale
“Waa la idiin doortay, waxaa la diin doortay hoggaamintii Xisbiga Qaran ee KULMIYE, waxaannu idinku aamminnay xil culus, waxaana loo baahan yahay…” Wasiir Maxamed Biixi Yoonis
“Waxaan caddaynayaa Lixdayadaa xubnood inaannaan ahayn kuwii ugu fiicnaa, inaannaan ahayn kuwii ugu fariidsanaa, inaannaan ahayn kuwii ugu halganka badnaa Xisbiga KULMIYE, inaannu hubno..” Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi
Hargeysa, 30, April, 2014-(Himilo)- Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, ayaa shalay Duhurkii la soo gebo-gabeeyey, ka dib markii uu is-beddel la’aan ku dhammaaday, isla markaana dib loogu doortay xubnihii hore ee Hoggaanka Xisibga oo la doortay shanta sano ee soo socda inay Xisbiga hoggaamiyaan, kuwaasoo aanay jirin cid jagooyinkoodii hore kula tartantay.
Shirkaas oo Isniintii toddobaadkan ka furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay waxay Ergada shirka ka qaybgalay ku ansixiyeen Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo aanay cidi kula tartamin xubin waliba booskii ay markii hore fadhiday, waxaana Guddoomiyaha Xisbiga mar kale loo doortay Muuse Biixi Cabdi, iyada oo aanay cidi kula tartamin, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Wabeeyo), Guddoomiye Ku-xigeenka Saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, Guddoomiye Ku-xigeenka Afraad Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Xoghayaha guud oo loo doortay Xoghiyihii hore Xasan Siciid Yuusuf, kuwaas oo xilka hayn-doona muddo shan sannadood ah oo shalay ka bilaabantay.
Sidoo kale, Ergada Shirweynuhu waxay ansiyeen Boqol (100) Xubnood oo lagu daray xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo kordhintooda cod la geliyey, isla markaana inta badan Ergada Madasha fadhiyey u codeeyeen in la kordhiyo xubnaha Golaha dhexe, isla markaana ay Guddiga Shir-guddoonka Shirweynuhu waxay soo jeediyeen in boqolkaas xubnood 10 ka tirsan uu soo xulo Madaxweynuhu, Lix ka mid ahna uu soo xulo Madaxweyne Ku-xigeenku.
Halka Guddoomiyaha Xisbiguna toban xubnood ka soo xuli doono. Waxaana soo jeedintaa ansixiyey badi Ergadii shirweynaha fadhiday shalay oo tiradoodu ahayd 1131 xubnood oo ka tirsanayd 1162 Ergay oo tirada guud ee Ergada Shirku ka koobnayd. Waxaana sidoo kale halkaa lagu ansixiyey toddoba xubnood oo la soo jeediyey in lagu kordhiyo tirada Guddiga fulinta KULMIYE, kuwaasoo laga soo xuli doono Beelaha Saami-tabashada qaba.
Ka hor, doorashada hoggaanka Xisbiga waxaa halkaa hadal kooban ka jeediyey Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), isaga oo Ergada shirka raalli-geliyey khilaafyo yar-yar oo Isniintii furitaanka shirkaas iyo shalay. “Haddaynu nahay reer KULMIYE dhammaanteen inaynu isa-saamaxno ayaan codsanayaa, waxba innooma dhexeeyaan, waa tartan, afkaarta waa lagu kala duwanaan karaa, waxba maaha iyada oo aanu ninna nin ku xumaynayn ayuu ninna arkayaa shan farood, ninna saddex farood, waa lagu kala duwanaan karaa. Laakiin, danteenna guud baynu ka raacaynaa iyo inaynu hore uga sii soconno.” Sidaa ayuu yidhi Md. Saylici.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Saylici waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Waxa kale oo aannu idinka raalli-gelinaynaa arrintii farsamada ahayd ee Ergooyinka ku dhacday ha u badnaato reer Awdal oo tiradii ugu badnayd ka khaldantay, ha ku xigaan reer Balli-gubadle, Beelaha kale qaar haku xigaan, taana khaladkaa madbiciga ah ee dhacay Ergada waannu ka raalli-gelinaynaa, waa idinka raalli-gelinaynaa.”
Sahra Maxamedd Guuleedd (Basbaaso) oo ah Haweenay hore u shaacisay inay u tar-tamayso jagada Xoghayaha guud ee Xisbiga KULMIYE, Shirweynihii ka ka horreeyey ee 2008 ee KULMIYE-na u tartantay isla jagadaas, ayaa Shirweynaha saddexaad ee shalay la isku doortay ka hor cod-bixinta sheegtay inay jagadaas uga tanaasushay Xasan Siciid Yuusuf oo hore ugu fadhiyey kursigaas.
“Waxaan u sharraxnaa Xoghayaha guud ee Xisbiga, maaddaama oo dimuquraadiyadda qofku waxna dooran karo lana dooran karo, anigoo dimuquraaddiyadda iyo Xisbigeennu sida uu u jecel-yahay eegaya ayaan isa soo sharraxay, weliba waxa igu sii kallifay waxay ahayd markii hoggaankii Xisbiga KULMIYE aannu ka weynay Haween dhex fadhiya ee xubnaha hoggaanku Rag wada noqdeen, ayaa waxaan anigoo gabadh ah ku dhiirraday inaan hoggaanka Xisbiga ka mid noqdo.” Sidaa ayay tidhi Sahra.
Waxaanay Sahra-Bisbaaso oo hadalkeeda sii wadatay intaas ku dartay oo ay tidhi; “Beelo ayay Ergooyinku noqdeen, hoggaankuna noqdeen, markaan isla soo sharraxay Xoghayaha guud ee KULMIYE Xasan Siciid oo Inaadeerkay ah waxaan dhaafi waayey oo i qabtay beeshayadii, oo ah waa halkii Xasan Gaafaadhi lahaa Qudhaanjo ayaannu nahaye, Annagu Shinni baannu nahay, dabadeedna Boqorkii sidaas baan ugu tanaasulay, taageerayaashaydiina waxaan leeyahay maaddaama oo aan u tanaasulay Inaadeerkay Xasan oo dhinacayga taagan codkii aad isiin lahaydeen isaga siiya.”
Sidoo kale, Dr. Maxamed Axmed (Carabayte) oo isaguna Sabtidii toddobaadkan shaaciyey inuu yahay Musharrax u taagan jagada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa shalay doorashada hoggaanka ka hor shirweynaha ka sheegay inuu jagadaas uu isu sharraxay uga tanaasulay Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeyo) oo isagana isku beel ka soo wada-jeedaan.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo doorashada la doortay ka dib halkaa ka hadlay, waxa uu yidhi; “Aniga oo ku hadlaya Afka Xisbiga KULMIYE, waxaan aad iyo aad idiinkaga mahad-naqaynaa inaad na karaamayseen oo na sharafteen oo shan sano oo hore oo aannu hoggaanka ahayn oo aannu idin soo hoggaaminayenay oo aannaan odhanayn waxaannu ahayn ceeb-ka-saliim, oo aannaan odhanayn hawshayadii boqolkiiba boqol baannu qabannay, intii aannu hawl soo qobannay haddaad nagu karaamayseen oo aad tidhaahdeen maantana idinkaannu idiin igmannay ee xilkii sii wada aad baannu idiinkaga mahad-naqaynaa.”
Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi; “Waxaan intaa ku darayaa, Lixdayada xubnood ee maanta (Shalay) ee aad culayskaa wayn saarteen shanta sano ee soo socda inaannaan inta halkan fadhida iyo inta aad wakiilka ka tihiin ee dalka gudihiiyo dibeddiisa joogta, inaannaan ahayn kuwii ugu fiicnaa, inaannaan ahayn kuwii ugu fariidsanaa, inaannaan ahayn kuwii ugu halganka badnaa Xisbiga KULMIYE, inaannu hubno inay idinku jiraan boqollaal Rag iyo Haween-ba ah oo annaga hawshaa nagaga fiicnaan lahaa ama nagaga dhiir-dhiirranaan lahaa. Laakiin, haddii aad na sharafteen mar labaad baannu idiin mahad-naqaynaa.”
“Waxaannu halkan ka ballan-qaadaynaa sidaa aad noo karaamayseen inaannu idiin karaamayno oo aannu noqonno Hoggaan maqla ama Madax maqasha Xisbiga Xubnihiisa Golaha dhexe, Fulintiisa iyo Taageerayaasha oo u hoggaansama sharciyadda Xisbiga, kuna dhaqma oggolna sidaa aad maanta xilka noogu dhiibateen markaa u baahataan inaad nooga qaadi kartaan oo codkiinna aannu ku fadhino ayaannu idiin ognay. Waxaannu idiin ballan-qaadaynaa inaannu ku dhaqanno mabaaddiida inna kulmiyey ee aynu ku midaysannahay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna doorashada hoggaanka KULMIYE ka dib, Shirka ka hadlay, ayaa hambalyo iyo duco u jeediyey xubnaha Hoggaanka Xisbiga ee xilka loo cusboonaysiiyey. Waxaanu sheegay inuu xilku yahay wax culus, loona baahan yahay in cid kasta oo xil loo dhiibaa garato gudashada waajibaadkiisa iyo culayska uu leeyahay.
“Hoggaanka cusub ee aynu doorannay waxaynu Illaahay uga baryeynaa in Illaahay wanaagga waafajiyo, in Illaahay hawsha u fududeeyo iyo in Illaahay xilka u sahlo. Illaahay baa Qur’aankiisa ku sheegay in Masuuliyad oo dhami culus tahay, laakiin marka qofku Illaahay la kaashado, markuu qofku daacad noqdo, markuu qofku Samada uu ku xidhmo xilka Illaahay wuu u fududaydiyaa, haddiise qofku uu u arko xilka iyo masuuliyadda uu hayo Ragannimo iyo aqoon uu leeyahay inuu ku wado meel kuma gaadho, waxaana daliil u ah Aayadaha Qur’aanka Kariimka ah ee Illaahay meel walba innoogu tilmaamay,” sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo gebo-gabadii shirka ka hadlay waxa uu u mahad-naqay guud ahaan Ergada ka soo qaybgashay shirweynaha SADDEXAAD Xisbiga KULMIYE muddada labada d ah ee uu socday oo uu xusay inaanu maalintii koowaad ka soo qaybgelin isaga iyo Wasiirka arrimaha gudaha oo hawlo shaqo ay ugu maqnaayeen dalka Itoobiyay, isla markaana ay gelinkii dambe ee Isniintii soo gaadheen magaalada Hargeysa.
“Geeddi-socodka shirweyneheennan saddexaad ee Xisbiga KULMIYE waa astaanta dimuquraaddiyadda Somaliland ee aynu dunida ka iibinayno. Shaloo u danbaysay aniga iyo waran cade oo kanimi itoobiya waxnu ka qayb galay shirar calamiya waxnu u shegaynay in Somaliland la dhagaysto Dimuqradiyaddeda iyo horumarkeena.” ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Waxaanu hambalyeeyey xubnaha hoggaanka Xisbiga loo doortay oo uu sheegay inay qaadeen xil culus oo looga baahan yahay inay waajibaadkiisa ka soo baxaan. Waxa uu Wasiir Maxamed Biixi uu yidhi; “Waa la idiin doortay, waxaa la diin doortay hoggaamintii Xisbiga Qaran ee KULMIYE, waxaannu idinku aamminnay xil culus, waxaana loo baahan yahay inaad waajibaadkiisa si hufan uga soo baxdaan.”
Shirweynahan saddexaad ee Xisbiga KULMIYE, ayaa u muuqday mid Shir ahaan u qaadashada mooyaane aan inta badan waxba ka beddelin sidii uu Xisbiga ahaa marka loo eego xoggaankii Xisbiga KULMIYE oo aan haba-yaraatee xubin cusub oo ku soo korodhay iyo is-beddel lagu sameeyey aanu midna jirin ee Masuul waliba Kursigiisii hore uun fadhiga ku adkaystay, waxaana la odhan karaa waxa uu shirkaasi ku dhammaaday is-beddel la’aan iyada oo xubnaha la sheegay in Golaha dhexe iyo Guddiga fulinta lagu kordhiyey-na ay tahay tallaabo aan wali la qaadin oo hirgelinteeda la sugayo wakhtiyada soo socda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment