Saturday, April 26, 2014

Dawladda Thailand oo ka hadashay fashilaad ka dhalatay nin Soomaali ah oo Meeqaamka Boqorrada loogu soo dhaweeyey dalkeeda




Bangkok, 26 April, 2014 (Himilo)- Dawladda Thailand, ayaa ka hadashay warar maalmihii u dambeeyey ay saxaafadda dalkaasi si weyn u buun-buuninaysay, kaas oo sheegayey inuu booqasho ku yimi dalkooda Nin u sheegtay inuu yahay dhaxal-sugaha boqortooyada Soomaaliya.


Ninkan oo magaciisa lagu soo gaabiyey Maxamed oo uu weheliyo Safiirka u fadhiya Soomaaliya magaalada Bangkok oo magaciisa lagu sheegay Sultan Mustafa Oyas, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Bangkok, isaga oo u sheegtay inuu yahay dhaxal-sugaha boqortooyada Soomaaliya, sida ay baahisay saxaafadda baahisay warka ninkan oo aan aqoon u lahayn inaanau nidaam boqortooyo ka jirin dalkaasi Soomaaliya.


13983235541398323743lWarkan oo si weyn ugu faafaay dalkaas isla markaana su’aalo badan layska weydiiyey, ayaa kallifay inay shacabkeeda u sharraxdo nidaamka dawladeed ee dalkaasi Soomaaliya, isla markaanu wax boqortooyi ahi ka jirin. Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalkaas  ayaa soo saaray qoraal ay ku cadeynayso inaan Soomaaliya lahayn nidaam boqortooyo.


Saraakiil ka tirsan wasaaradda Khaarajiga ayaa sheegay inay su’aalo badan kaga yimaadeen warar warbaahinta qaarkood ku sheegeen in dhaxal-sugaha boqortooyada dalka Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Beeldaaje Maxamed loogu soo dhaweeyey magaalada Bangkok meeqaamka boqorrada.


Qoraal wasaaradda Khaarajigu soo saartay ayaa lagu sheegay inuu ninkani u dhashay deegaamada maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, isla markaana uu yahay dhaxal-sugaha saldanadda reerkiisa, balse aanay jirin boqortooyo ka jirta dalkaasi Soomaaliya.


Arrinta kale ee fejecisada noqotay, ayaa ah inaanu jirin safiir Soomaaliya ku leedahay dalkaasi Thailand caasimaddiisa Bangkok, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi, taas oo iyaduna soo saartay dhacdadan layaabka ku noqotay dadka.


Mr Maxamed oo booqasho shakhsi ah ku tagay dalkaasi Thailand, waxa socdaalkiisa ku wehelinayey gacansade u dhashay Thailand oo dhowr jeer oo hore socdaal ganacsi ku tagay Soomaaliya.


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment