Tuesday, April 22, 2014

FOOSHA SHIRWEYNAHA KULMIYE: Fakadka Beelaha Wax Saluugay, Farriinta Siyaasiyiinta Hanka leh, Fal-falliidhka laga filan karo Shirweynaha




“Go’aan siyaasadeed ayuu ahaa, sharciyadda ayaa la marinayaa. Dibbaa loo wada sharciyeynayaa, hadii kale maxaa…”


 


Hargeysa, 22 April, 2014 (Himilo)- Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo wakhtigan ku guda-jira diyaar-garowga qabsoomidda shirweynahooda saddexaad oo muddo sanno iyo dheeraad ah kobka wakhtigiisa dib uga dhacayay sababo la xidhiidha is-maandhaafyo iyo duruufo siyaasadeed, ayaa xilligan la heehaabaya caqabado hore leh oo markale saamayn ku yeelan inuu qabsoomo iyo khilaaf kala irdheeya bah-wadaagta Kulmiye.

kulmiyeShirweynaha saddexaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaan weli muddo rasmi ah qabashadiisa loo cayimin, ka dib markii uu dib uga dhacay wakhtigii ugu dambeeyey loo muddeeyey in la qabto oo ahayd 22/March/2014, xilligaas oo markii uu ka dib dhacay intii ka dambaysay ay Masuuliyiinta Xisbigu sheegaan inay maalmo iyo ayaamo ka dib qabanayaan Shirweynohooda saddexaad oo saddaxdii sano ee u dambeeyey kolba wakhtigiisa dib uga dhacayey caqabado siyaasadeed oo ku xeeran awgood.


muuse biixiHaseyeeshee, guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi oo maalintii Khamiista ee todobaadkii hore ka hadlayey munaasibad loo qabtay xubno cusub oo xisbigaas lagu soo dhaweeyey, ayaa shaaca ka qaaday in Liisaska Ergooyinka ka soo qaybgalaya Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE ee laga sugayey gobollada iyo degmooyinka dalka dhammaan la soo xareeyey oo ay Guddiga qaban-qaabadu ku jiraan sixitaanka iyo dib-u-eegista Ergooyinka ciddii laga sugayey soo qaybsadeen ee ay magacyadooda soo gudbiyeen.


Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu shirku qabsoomi doono labada ilaa saddex maalmood ee xigay xilliga uu hadalkiisa ka jeedinayey goobtaas, muddadaas oo ku beegan intii u dhaxaysay maalmihii Sabtida ilaa Salaasadan maanta ah. “Waxaan idiin sheegayaa shirkaas maalin, laba iyo saddex ka dib inuu qabsoomayo,” ayuu yidhi Muuse Biixi oo sheegay inay  wax waliba ka dhammaystiran yihiin xaggooda.  “Waxaanu u taagan yahay (shirku) Ergadii oo dhammaan in la soo xareeyey sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabadu, in qof qof mooyee, dhammaan gobollada iyo degmooyinku ay soo xareeyeen, waxa lagu jiraa sixitaankii iyo sidii kaadhadhka ay u samayn lahaayeen, taasina haddii ay u badato Sabtida (todobaadkan),” ayuu intaas raaciyey Md Muuse.


CIMG0343-475x3561Haseyeeshee, Guddoomiyaha golaha Dhexe Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo u warramay wariye ka tirsan Himilo, ayaa iftiimiyey inaanay waxba ka dhaweyn isla markaana wakhti cayiman ee shirka la qabanayo la shaacin karin. “Wakhti aan fogeyn ayaan ku dhawaaqi doonaa, marka aan ogaano muddada kaadhadhka lagu dhamayn karo, wakhti kaloo aanu qabsoomin inuu naga soo baxo ayaan meesha ka saaraynaa,” ayuu yidhi Jaamac Shabeel oo aanu weydiinnay xilliga uu qabsoomayo shirweynaha Kulmiye.


Go’aamada lagu suufiyey Khilaafka Kulmiye Maxaa iska beddelay?


Khilaafaad siyaasadeed oo ka dhex-aloosnaa hoggaanka iyo siyaasiyiinta miisaan culus ku leh xisbiga gudihiisa, damac-hoggaamineedna ku jiro oo sabab ahaa dib-u-dhacyo dhowr ah oo xisbiga shirweynihisa ku yimi, ayaa xal kama dambays ah lagu soo gunaanaday badhtamaha bishii hore ka dib go’aamo ay soo jeediyeen guddi turxaan bixin ah oo madaxweyne Siilaanyo u xil-saaray xal-u-helista dib-u-dhacyada dhowrka jeer ku yimi shirweynaha iyo khilaaf ka dhex aloosnaa garabyo mawqifyadooda siyaasadeed kala durugsan yihiin, waxaanay go’aamada ka soo baxay guddigaas lagu kala qeexay damacyadii ku jiray labadii garab ee khilaafkoodu sababta u ahaa fashilaadihii soo waajahay in la suurto-galiyo qabsoomidda shirweynaha.


Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige, ayaa waxba kama jiraan aan sharciga xisbiga ku fadhiyin ka dhigay qodobbadii suluxa looga dhigay isu-soo-dhawaynta dhinacyadii ku kala qaybsanaa geeddi-socodka siyaasadda xisbiga. “Go’aan siyaasadeed ayuu ahaa, sharciyadda ayaa la marinayaa. Dibbaa loo wada sharciyeynayaa, hadii kale maxaa loo qabanayaa shirweynaha. Wax kastoo lagu heshiiyo waxa daruuri ah in sharciyada la waafajiyo,” ayuu yidhi Jaamac-shabeel.


Dil-dilaaca Sharci iyo Damaca Siyaasiyiinta


Xasan-GaafaadhiGo’aamada ka soo baxay guddiga turxaan-saarka Kulmiye ee lagu suuliyey is-maandhaafkii siyaasadeed ee Kulmiye waxa lagu xusay inaanay cidina kula tartamin boosaska ay ku fadhiyaan hoggaanka wakhtigan ee Kulmiye marka uu qabsoomo shirweynaha Xisbigu, arrintaas oo guddigu u aragtay xal lagu suulin karo kala-qaybsanaanta xisbiga gudihiisa ku jirta. Haseyeeshee, waxa go’aankaas sharci-darro aan meelna kaga qorneyn dastuurka xisbiga ku tilmaamay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ismaaciil Aadan Cismaan iyo Xasan-Gaafaadhi oo ku biiray xisbiga talada haya ka dib markii ay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ku hadheen laba urur-siyaasadeed oo ay kala hoggaaminayeen. Munaasibad todobaadkan lagu qabtay Hargeysa, ayuu guddoomiyihii urur-siyaasadeedkii RAYS Xasan Gaafaadhi ku shaaciyey inuu u sharraxan yahay booska guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Kulmiye oo xilligan uu ku fadhiyo Maxamed Kaahin Axmed. Halka guddoomiyaha Ururkii DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) uu ku taageeray inuu Xasan Gaafaadhi isu-sharraxo hoggaanka Xisbiga Kulmiye.


ismaaciil yarIlaa maalintii u horreysay ee labada siyaasi mowqifkooda shaaciyeen, arrintan kamay hadal hoggaanka xisbigu, haseyeeshee waxa muuqata inay arrintani khilaaf hor leh oo aan tiradaba lagu sii darsan ka dhex abuuri karto gudaha xisbiga maadaama aanay siyaasiyiinta markii go’aan la shaacinayey ka hadal go’aamadii lagu xaliyey khilaafkii ka dhex-jiray xisbiga, in kasta oo aanay iyagu qayb ka ahayn dhinacyadii mabaadi’doodu iska soo horjeedeen. Balse, diyaar-garowga qaban-qaabada shirweynaha xisbiga iyo shaac-ka-qaadista damacooda oo isku soo beegmay awgeed, waxa loo arkaa inay mid tahay caqabadaha ugubka ah ee wakhtigan horyaala isla markaana ay saamaynta taban ku keeni karta qabsoomidda shirweynaha.


Haseyeeshee, Guddoomiye Golaha Dhexe ee xisbiga Kulmiye Jaamac-shabeel oo weydiiyey sida xisbi ahaan u arkaan musharax shaaciyey inuu u tartamayo gud-ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga, ayaa taageeray damaca siyaasadeed ee ku jira qof kasta oo ka dhex-tartami kara marka la gaadho shirweynaha xisbiga, waxaanu yidhi,


“Xeerka Xisbiga Kulmiye ayaa ogol in qofku is-sharaxo, shirweynaha xisbiga ayey u taala inay wax ka beddelaan xeerka iyo inay sidiisa u daayaan.”


Mar la weydiiyey sida isku waafaqayaan xeerka uu sheegayo iyo qodobadii lagu dhameeyey khilaafkii xisbiga KULMIYE oo ku jireen inaan hogaanka Xisbiga la bedelin ayaa ku jawaabay, “Aqbalaada ama diidida in hogaanka xisbiga sidiisa loo daayo shirweynaha xisbiga ayey ku xidhan tahay,” ayuu yidhi guddoomiye Jaamac.


Saluugga Saami-qaybsiga Ergooyinka Beelaha


Caqabadda ugu weyn ee saamaynta ku yeeshay shirweynaha xisbiga ee diyaar-garowgiisa lagu jiro, ayaa ka soo if-baxay saluug beelaha qaarkood ka muujiyeen tirada ergooyinka uga qayb-galaysa shirweynaha oo ay qawadeen, taas oo ibo-fur u noqon karta jid ay maraan cid kasta oo saluugta saamiga ka soo beegmay ergooyinka la qaybiyey.


Qaar ka mid ah Beelaha dega gobollada Maroodijeex iyo Gabiley, ayaa go’aamo ay shalay ilaa dorraad soo kala saareen ku shaaciyey inaanay ka qayb-gali doonin shirweynaha, taas oo ay sabab uga dhigeen tirada ergooyinka la siiyey oo tiro ahaan ka hor saamigii ay ka filayeen.


Jaamac-shabeel, guddoomiyaha golaha Dhexe ee Kulmiye, ayaa isagu aaminsan inaanay qaadacaadda beeluhu caqabad ku noqon karin qabsoomidda shirweynaha.


“Maya..maya, sabab ay ku hor-istaagto ma jirto. Cabashana ma dhamaato, saamiga beelaha ku soo hagaagay, beel keliyoo ku qanacsan ma jirto,” ayuu yidhi Jaamac-shabeel oo aanu weydiinnay saamaynta qaadacaadda beeluhu ku yeelan karana shirweynaha.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment