Muqdisho, 26 April, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Soomaaliya ay isbeddel baaxad leh ku kordhiyeen wejiga magaalada Muqdisho.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tan iyo sannadkii 2011-kii ay Soomaaliya ku bixisay lacag gaadhaysa 400-milyan oo doollarka Mareykanka ah, isla markaana ay Soomaaliya fulinayaan mashaariic isugu jirta, dib u dhis, ceelal la qodayo, waddooyin iyo cisbitaallo la dayactiray, haseyeeshee waxa ay shaqaalaha hay’adaha Turkiga ee ka hawl-galyey Muqdisho bartilmeed u noqdeen Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanka dalkaasi Soomaaliya.
Shaqaale u shaqaynayey hay’ado samafal ah iyo kuwa dawladda Turkiga oo Muqdisho u tagay inay mashaariic ka fuliyaan, ayaa kooxda Al-Shabaab weerarro is-miidaamin ah ku bartilmaameedsatay, waxaana weerarradaas kaga dhintay shaqaale tobaneeyo ku dhowr oo u dhashay dalkaasi.
“Turkigu waxay Soomaaliya ka qabteen howlo wanaagsan oo aanan horay u arag. Waxay bedeleen wajigii Muqdisho,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisu u muuqday dib uu ku dhiirri-gelinayo hay’adaha Turkiga ah oo quus ka taagan ammaankooda.
Al-shabaab ayaa weli ku goodinaysa in hay’adaha Turkiga ee ka howlgalaya Muqdisho ay beegsanayaan, iyagoo ku eedeynaya inay maqaarsaar u yihiin reer galbeedka.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddo 20-sano ah kaddib ku wareejisay garoonka diyaaradaha Muqdisho shirkad Turki ah oo casriyeynaysa, taasoo qayb ka ah howlaha horumarineed ee Turkigu ay ka wadaan Soomaaliya.
Hay’adaha Turkiga ee ka howlgala magaalada Muqdisho, ayaa howshooda billaabay sannadkii 2011-kii, xilligaas oo uu booqasho lama filaan ah ku tagay Raysal-wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, xilligaasoo ay Soomaaliya ku dhufteen abaaro sababay macluul aad u daran.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment