Tuesday, April 22, 2014

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Shaqo-ka-joojin ku samaysay Dhakhaatiir ka Hawl-galaysay Maxjarrada Xoolaha




Berbera, 22 April, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, ayaa shaqada ka joojisay Lix ka mid ah dhakhaatiir caafimaadka Xoolaha qaabilsan oo ka hawl-galayey Maxjarrada Xoolaha ee magaalada Berbera.


Tallaabada wasaaraddu shaqada kaga joojisay dhakhaatiirtan, ayaa jawaab u ah fadeexado ka soo if-baxay qaabka loo baadho caafimaadka xoolaha lagu xereeyo maxjarrada, ka dib markii labadii bilood ee u dambeeyey dalka Sucuudiga laga soo celiyey Xoolo u badan Geel laga helay cudurka Brucela-ha.


Isu-duwaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee gobolka Saaxil, ayaa qoraal uu shaqada kaga joojiyey dhakhaatiirta oo maalintii Axaddii soo baxay, waxa uu ku sheegay in Maamulka maxjarku wasaaradda ka codsaday in laga beddelo dhakhaatiirka ka hawl-gasha.


Qoraal uu Isuduwuhu soo saaray oo kooxdan Dhakhaatiirka ah shaqada lagaga joojinayey  Oo Maalintii Axaddii soo Baxay, ayaa u qornaa sidan:


“Anigoo tixgalinaya Codsiga Maamulaha iyo maareeyaha maxjarka Al jabiri  isla Markaana Fulinaya amarka wasiirka ee ah in laga bedelo dhakhaatiirta ay macjarku codsadeen, waxaan Halkan kusoo gudbinayaa  magacyada dhakhaatiirta shaqada maxjarka laga faddhiisiyay maanta oo taaariikhdu tahay 20/4/014.


Mudanayaal waxaan idinka codsanayaa in aad ka shaqo gashaan goobihii aad hore uga shaqayn jirteen, waxaana xusid mudan in aad dhamaantiin tihiin aqoontii iyo Khibradii Wasaarada, Maxjarkana aad tihiin ragii dhidibada u taagay, sidaa daraadeed wixii mushahar iyo xuquuq aad yeelanaysaan waxaa daba-gal ku samaynaysa wasaaradda xanaanada xoolaha, maamulka macjarkuna wuu ballan-qaaday in ay si dhaqso ah u bixiyaan.


Magacyada Lixda Dhakhtar ee shaqada laga joojiyey, ayaa kala ah sidan:


1- Dr Hussein Aden Abdilahi


2-Dr Ahmed Abdilahi Ismail


3-Dr Hussein Abdi Hassan


4-Dr Omar Aw Osman Buh


5-Dr Mohamed Suleiman Mohamed


6-Dr Omar Mohamed Haji Aden.”


Marka laga yimaaddo shaqo-ka-joojinta dhakhaatiirta oo la rumaysan yahay inay ka dhalatay Xoolaha la soo celiyey, qoraalka wasaaradda ka soo baxay laguma sheegin meesha loo raacayo khasaarihii ka dhashay xoolahaas la soo celiyey oo inta badan ku dhacayey dadka ka ganacsada Xoolaha laga dhoofiyo Dekedda Berbera.


Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaa ku mashquulsanayd Muddooyinkii ugu dambeeyey sidii ay xal ugu heli lahayd qul-qulatooyin ka aloosnaa oo u dhaxaysay ganacsatada xoolaha dhoofisa, Maxjarrada iyo wasaaradda Xannaanada Xoolaha, taas oo ka dhalatay tiro badan oo Xoolo shahaado caafimaad laga siiyey maxjarrada Berbera oo markii dalka Sucuudiga la geyyey laga helay tiro ka badan boqolleyda la oggolyahay xoolaha qaba cudurka Brucela-ha loo yaqaano.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment