Wednesday, April 30, 2014

Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Shirweynihii Kulmiye Ee Dhamaaday, Wada-hadalladii Puntland iyo Somaliland Addis Ababa ku Dhex Marayna Sababeeyey




Hargeysa (Himilo)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa markii ugu Horraysay ka hadlay Aragtidiisa ku aaddan Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Ee Hargeysa lagu soo Gebogebeeyey iyo Sida aanu wax isbeddel ahi uga Muuqanin Hoggaanka sare ee Xisbiga.


Guddoomiye Baashe oo xafiiskiisa ugu warramayey Qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa shirkaas ku tilmaamay mid Guul ku dhammaaday, isla-markaana u dhacay sidii loogu talo galay.


Waxa uu Guddoomiye Baashe tilmaamay in doodda iyo is qabqabsigu ay caado u tahay xisbiga Kulmiye, balse ay wax kasta marka dambe ku dhamaystaan isu tanaasul iyo Uur-xaadhnaan,


baashe maxamed faarax“Shirkii Kulmiye wax kasta halaga sheegee waad ogaydeen oo Guul  buu ku dhammaaday, Caadada kulmiye ayaa sidaa ahaan jirtey ilaa intii uu mucaaridka ahaa sidaas ayey dooddu u jirtey shirkii Burco-na waad ogaydeen, waana la is qabqabtaa oo waa xisbi dimuqraaddi ah dad badan oo kala afkaar duwan baana ku jirta, waana la isku qabtaa laakiin caado waxa uu u leeyahay Aakhir in la isu tanaasulo  sidaad arkayseena waa tii la isu tanaasulay, Xisbiguna Caado ayuu u leeyahay in la yidhaahdo way is haystaan laakiin Maalinta ugu dambaysa sidaas arkayseen bay u qabsadeen.” Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax.


Waxa kale oo uu Guddoomiye Baashe ka Hadlay Isbeddel la’aanta ka muuqata Hoggaanka sare ee Kulmiye oo xubnihii Xisbiga  hore gadh-wadeenka ugu ahaa ay Mar labaad soo Noqdeen, waxaana uu yidhi,


“Hoggaanku laba Doorasho ayey Hoggaanka xisbiga Hayeen, kuwaas oo kala ahaa Doorashadii Madaxweyne-nimada iyo Doorashadii Dawladaha Hoose, Labadabana Guul Bay keeneen oo Xisbigu Guul buu gaadhay markaa waxa la isku raacay in Hoggaanka sidiisii loo daayo maadaama aanay wax dhibaato ah keenin  oo labada jeerba ay Guul keeneen, waxaana aanu rajaynaynaa inay Mar saddexaad-na Guul keeni doonaan.”


 


Waxa uu Guddoomiye Baashe ku tilmaamay Hoggaanka sare ee Xisbiga kuwa u qalma in mar kale loogu celiyo Hoggaaminta Xisbiga, Waxaana uu Madaxda ku  sheegay  Rag wax badan qaranka u soo qabtay,


“Ragga Xisbiga Hoggaaminayaa waa rag Mujaahidiintii Dalka weeye, waana Raggii dhiiggooda u soo huray, iyagoo dhallinyar ah oo ninkastaa  Derejo fiican haysto Muuse Biixi iyo Maxmaed Kaahin-na wax ka fiican bay Dalka u soo qabteen, magac iyo sharafna waa ku leeyihiin Haddii  Hoggaankii xisbiga  loo daayo in lagaga dabotago ma aha,  Haddii Maanta hoggaanka loo doortayna wax ka weyn bay istaahilaan.” Ayuu yidhi, Baashe Maxamed Faarax.


Dhinaca kale waxa uu Guddoomiye Baashe ka hadlay Wada-hadallo dhawaan Somaliland iyo Maamulka Puntland ku dhex maray Addis Ababa, waxaana uu ku adkaystay in wada-hadalkaasi uu ahaa mid salka ku haya  Nabad-ku-wada-noolaanshaha, isla-markaana aan shaqo ku lahayn dhinaca Xuduudda  u dhexaysa Somaliland iyo Puntland, waxana uu yidhi, “Wadahadalladu waxay ku saabsan yihiin sidii aynu nabad ugu wada Noolaan lahayn ee Deris u ahaan lahayn, xuduudda Somaliland-na Gorgortan ma leh cid lagala hadlayaana ma jirto waana xuduud calaamadaysan oo la yaqaano, waxa laga wada hadlayaana waa sidii laba dowladood oo is xaq dhawro loo noqon lahaa.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 


 


 

No comments:

Post a Comment