Hargeysa, 29, April, 2014-(Himilo)- Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi) oo toddobaadkii hore shaaca ka qaaday inuu yahay Musharrax u taagan jagada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KUKLMIYE, ayaa shalayna shaaciyey inuu musharraxnimadiisii ka tanaasulay, isla markaana uga tanaasulay Guddoomiye ku-xigeenka xilkaas sii hayey Maxamed Kaahin Axmed.
Xasan Goofaadhi oo ahaa Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii RAYS oo ka mid ahaa Ururradii ku dhacay doorashadii dawladaha hoose ee Somaliland ka qabsoontay sannadkii 2012-kii, ka dibna KULMIYE ku biiray, ayaa dhawaaqaa uu ku sheegay inuu u sharraxan yahay Jagada Guddoomiye Ku-xigeenka u muuqday inuu aad ugu ad-adag yahay markii uu shaacinayey, hase-yeeshee, waxa uu shalay sheegay inuu Maxamed Kaahin Axmed oo ah isagu Guddoomiye Ku-xigeenka wakhtigu ka dhammaaday maanta ee Xisbigaas oo lagu wado in maalinta berri ah dib loo doorto isaga iyo hoggaanka kale ee Xisbiga.
“Waxaynu ognahay muddo aan fogeyn inaan dhawaaq sameeyey aan u sharraxanahay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE, marka hore waddo sharci ah oo sharcigu ii bannaynayo ayay ahayd. Mar labaadka reerka aan ka soo jeeda waxa la yidhaahdaa sida qudhaanjada ayay is-daba-galaane inaannu kala baydhi karnana waan idiin sheegayaa.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Goofaadhi oo hadal kooban ka jeediyey Munaasibadda Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE ee Isniinta maanta ka furmay magaalada Hargeysa.” ayuu yidhi Xasan Goofaadhi.
Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi) waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi; “Waxaan doonayay markaa anigoo reerkaas ka soo jeedo inaan idiin bilaabo oo aan idhaahdo soo dhiirrada bal ninkii wax doonayoow, mar haddii la soo bixi waayey waxaan go’aansaday Aniga iyo Maxamed Kaahin-na inaan halkan faraha naloogu taag-taagin.”
“Waxaan caddaynayaa inaan ka tanaasulay dhawaaqii ayaanta dhawayd aan sameeyey, waxaan u tanaasulay Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed. Waxaan intaa ku darayaa Ergadii dhibaatadu haysatay ee kala garan la’ayd kaayaga ay u codayso ee xaaladdoodu ahayd ma Aabbahaa baa la cadaabaa mise Hooyadaa baa la cadaabaa, idinna Kabaalkii idin hayey waan idinka dul-qaaday.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Goofaadhi.
Goofadhi oo la hadlayey taageerayaashiisa ka xumaan kara ka noqoshada rabitaankii uu muujiye, waxa uu yidhi; “Qaybta kale ee Ergada ahayd ee jaclayd inaan arrinkaas ku adkaysto, lagana yaabo inay ka cadhaysan yihiin inaan dib uga laabto, waxaan idiin sheegayaa nin walba oo xaaladdan maanta ay la kulmi lahayd sidaas ayuun buu yeeli lahaa. Waxaan idin leeyahay taageeradiinniina waad muujiseen idinkamanay xumaannin, tanaasulka, isu-dul-qaadashada iyo is-weynaynta ayay u jirtaa, Arrinkaana dee waynu dhagax-dhigannay oo waa innoo yaallaaye taana ku talo-gala.”
“Waxaan jecelahay halkan inaan ka xuso Axmed Cilmi Barre oo iga horreeyey oo dhawaaqan oo kale sameeyey oo aan ku idhi aniga ii tanaasul oo ii tanaasulay, waxaan leeyahay adiga kumaan reebaynine labadeennuba waxaynu u tanaasulnay Maxamed Kaahin. Muuse Biixina waxaan leeyahay in badan baad lahayd miyaanad naga hadhayne soo idinkamaan hadhin?” ayuu yidhi Xasan Goofaadhil.
Xasan Goofaadhi oo maalmo ka hor u muuqday nin ku ad-adag jagadaas, isla markaana sheegay inaanu haynin jawaab is-sharraxaad ka yar oo uu kula noqdo taageerayaashii hantidooda, maskaxdooda, muruqooda iyo masiirkooda u soo huray Ururkii RAYS ee KULMIYE ku biiray, sidaa awgeedna uu toddobaadkii hore shaaciyey inuu u sharraxan yahay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, ayaa is-beddelkan uu shalay muujiyey ka dambeeyey wadahadal mararka qaar meel adag gaadhay sida ay Himilo u sheegeen Xisbiyahanno dhaqdhaqaaqiisa ka ag-dhawaa, is-qancin, wax isu-sheegid, ballan-qaad iyo islaab-xaadhasho badan ka dib inuu saqdii dhexe ee habeen-hore aqbalay inuu tanaasul sameeyo oo booskaa u daayo Maxamed Kaahin oo hore u fadhiyey. Waxaana dhagax-dhigga uu taageerayaasiisha u sheegay shalay si dadban u muujinayaa in aanu si dhib yar ku tanaasulin ee uu hadda jawaab u hayo Xisbiyahannadiisa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment