Sunday, April 27, 2014

Maraykanka oo ka hadlay Muwaadin u dhashay oo Magan-gelyo weydiistay W/Kuuriya




Pyongyang 27 April, 2014 (Himilo)- Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka, ayaa ka hadashay muwaadin u dhashay dalkooda oo magan-gelyo weydiistay dalka reer galbeedku go’doomiyeen ee Woqooyiga Kuuriya.


Waqooyiga Kuuriya ayaa xabsi dhigtay nin u dhashay dalka Maraykanka oo fiise dalxiisnimo ku tegay dalkaas, balse markii dambe codsaday in qaxoontinimo loo aqoonsado.


Sida lagu baahiyey wakaaladda wararka Woqooyiga Kuuriya, ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Miller Matthew Todd, ayaa baasaaboorkiisa iyo waraaqihiisa aqoonsiga ku jeexjeexay madaarka, ka hor intii aanu dalban magal-gelyo uu weydiistay masuuliyiinta ku sugnaa garoonka diyaarada magaalada Pyongyang ee caasimadda Woqooyiga Kuuriya.


Warku waxa uu intaas ku daray inay dawladda Kuuriyada Woqooyi xabsiga u taxaabtay ninkan oo lagu eedeeyey inuu jebiyey sharci culus, isla markaana baadhitaanka kiiskiisu socdo, inkastoo tafaasiil dheeraad ah aan la raacin.


Afhayeen u hadlay Wasaarada Arrimaha Dibedda Maraykanka Jen Psaki ayaa u sheegtay warbaahinta inay la socdaan warkaa, balse aanay xaqiijin karin inuu yahay muwaadin Maraykan ah .


Waxay sheegtay afhayeenku inay xidhiidh la yeesheen safaarada dalka Sweden ee Woqooyiga Kuuriya oo xalisa arrimaha dibloomasiyadeed ee Maraykanku uga baahan yahay dalkaas, maadama Maraykanku aanu safaarad ku lahayn. "Ma jirto muhiimad nooga weyn ilaalinta nabadgelyada muwaadiniinta Maraykanka. Ma hayno macluumaad dheeraad ah wakhtigan," ayey Psaki sheegtay.


Himilomedia.com                    


Hargeysa-Somaliland


                                                   


                     

No comments:

Post a Comment