Saturday, April 19, 2014

Guddoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Wada-hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo siyaasi Cali Khaliif Galaydh




Hargeysa:(Himilo)-Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa Ka Hadlay Aragtidiisa ku Aaddan Soo Guryo-noqoshadii Garaad Jaamac Garaad Saleebaan oo Maalintii Jimcihiii Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeysa.


baashe maxamed faaraxGuddoomiye Baashe ayaa Hoosta ka Xarriiqay in soo Dhaweynta Shacabka Reer Somaliland iyo Dawladdiisu u samaysay Garaad Jaamac ay Muujinayso Kalgacaylka iyo wanaagga loo Hayo Bulshada ku Dhaqan Deegaanka Garaadku ka soo Jeedo,  “Garaadku waxa uu ku soo noqday Dalkiisii Hooyo, waana garaad miisaan leh, waanu ku faraxsanahay in isaga iyo raggii la socdayba ay yimaadeen, Kalgacaylka Somaliland ay u qabto Gobolada Bariga, waxa muujinaysa Soo Dhaweyntaas Xad dhaafka ah ee loogu soo dhaweeyey Hargeysa Garaadka iyo Waftigii la socday.” Ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.


Waxa kale oo uu Guddoomiye Baashe ka Hadlay Warar sheegaya in  wadahadallo u socdaan Xukuumadda Somaliland iyo Siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii sanado ka hor Dabada ka riixayey Siyaasaddii maamulka Khaatumo, waxana uu yidhi,


“innagu nin kasta oo Somaliland u dhashay waajib waxa ah in lala hadlo  oo aynu soo dhaweeyno, xidhiidhkaas waa la sheegay  inuu jiro oo wadahadalo ay socdaan horena way u socdeen oo dadku mabaa’dii uun baa lagu kala duwan yahay ee waa dad wada dhashay oo isku deegaan ah, waxaana aanu rajaynaynaa in garaado kale sida garaad jaamac oo kale ay  yimaadaan oo ay ogaadaan in meeshani ay tahay dalkoodii iyo dadkoodii.”


            Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu Baaq u diray Maamulka Puntland oo ay hore uga soo yeedheen Hadallo  Somaliland ka dhan ah oo ay ku diidan yihiin tallaabadii ciidanka qaranka Somaliland kula wareegeen Deegaanka Taleex ee Gobolka Sool, waxana uu yidhi,


“puntland way ogyihiin in dalkani yahay mid Somaliland ah sanadkanina waxa uu noqonayaa sanadkii Waddooyinka iyo Maamul-fidinta Puntland-na way ku gardaran Tahay inay Tidhaahdo Maxaa Taleex Loo tegay. Ciidankuna taleex may qabsanin ee dalkoodii ayey tageen waanan ku hambalyeynayaa Ciidamada Somaliland, iyaguna markii ay Taleex tageen waad ogaydeen wixii ka dhacay Taleex, ciidanka Somaliland-na Nabadgelyo ayey ku Tageen qof ay xarriiq gaadhsiiyeena ma jirto meel kasta oo Somaliland ahna way tegayaan.”


Waxa uu Guddoomiye Baashe Baaq u diray shacabka reer Somaliland ee ku dhaqan deegaanada Bariga Somaliland oo aanay wali Gaadhin Adeegga iyo  horumarinta ay bulshooyinka kale ku tallaabsadeen, isagoo dhinaca kalena Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay Dadkaas horumarkooda ka shaqayso, waxaana uu yidhi, “Shacabka waxaan leeyahay Dadkani waa walaalo meelna ma kala Tegayaan, Ninkii xamar Rabayna Soo Arag kii Puntland rabayna soo Arag, xukkuumadana waxaanu ku boorrinaynaa Mashaariic iyo waxqabad inay gaadhsiiso dadkuna ay Nabadooda ilaashadaan.”


Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ayaa arrimo gaar u ah ugu  maqnaa muddo dalka Dibaddiisa xilli Goluhu fasax Gaaban ku jiro, waxaana la filayaa in Toddobaadyada Soo Socda Dib u furmaan Kalfadhiyadii caadiga ahaa Ee Goluhu, kuwaasoo lagu Gorfeeyo Arrimaha Qabyada ah ee u yaalla.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment