Hargeysa, 22 April, 2014 (Himilo)- Wefti heer sare ah oo ka socda shirkada ENOC oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, ayaa shalay ka soo degay Madaarka Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa Hargeysa.
Waftigan oo ka kooban laba xunood oo Somaliland u yimid hawlo maalgashi ganacsi, waxa Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo saraakiil ka tirsan Shirkada wadaniga ah ee Aflax.
Maxamed Xaaji Aadan oo ah Sarkaal sare oo ka socday shirkada Aflax Spare parts oo iyadu casuumad u fidisay xubanaha kambaniga ENOC ayaa ka hadlay ujeeddada safarka xubnahaasi waxaanu yidhi, “Labadani sarkaal waxay ka socdaan shirkada ENOC,oo ka mida shirkada waaweyn ee dalka Imaaraadka Carabta, shirkadani oo ah shirkada caalami ah waxay daneeyeen inay imaadaan Somaliland, kuna sameeyaan maalgalin iyo horumarin, iyagoo ay wakiil u tahay shirkada Aflax, iyaga oo indho-indhayn ku samayn doonaa dalka, waxaanu soo dhawaynaynaa Gudoomiyaha shirka ENOC oo Maxamed Saadiq iyo Cabdirisaaq Yusuf oo Suuqgaynta u qaabilsan.”
Gudoomiyaha shirkada ENOC Maxamed Saadiq oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Wasiirka iyo Masuuliyiinta shirkada Aflax waxaan ugu mahad celinayaa soo dhawaynta balaadhan ee ay noo samaayeen, maaalintani waa maalin weyn, shirkada ENOC waxa ka go’an inay ka mid noqto shirka hormoodka ka ah ganacsi iyo maalgashi laga sameeyo Somaliland, waxa kale oo aanu qorshaynaa inaanu ka mid noqoto shirkadaha wax soo saarkooda toos ku keena Somaliland, taasina waxay noqonaysaa bilowga wada shaqayn iyo iskaashi ina dhex mara, waxa kale oo jira mashaariic dhawr ah oo aanu maanka ku hayno, kuwaas oo aanu doonayno inaanu halkan ka samayno.”
Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaasi ka hadlay, waxa hadalladiisa ka mid aha, “Sharaf weyn ayey inoo tahay inaynu soo dhawayno walaaladeen ka socda shirkada ENOC, iyo masuuliyiinta shirka Aflax ee Somaliland, tani waxay ka markhaati kacaysaa inay Somaliland tahay wadan degsan oo ku haboon maalgashi iyo inay jiraan fursado dhaqaale, taas oo aynu inaguna nahay dad iyo dal u furfuran, waxa ay muujinsaa sida uu u kobcado Dalka Somaliland iyo sida loo danaynayo ganacsigiisa, maalgashu waa wax-yaabaha wadamada horumariya, dalkeenuna wuxuu leeyhay tansiilaad faro badan, dalkeenuna Juqurfaafiyan wuxuu leeyahay goob ku haboon, oo ALLE inagu beeray, waxaynu u baahanay inay horumarino.”
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu intaa raaciyey, “Xukuumadana waxay ahmiyad weyn siinaysaa sidii kaabayaasha dhaqaale sare loogu qaadi lahaa, sidii loo dhiiri galin lahaa ganacsata , sidii loo dhiiri galin lahaa dadka ajaanibka ah ee dalka maalgashanaya, taasi waxay sare u qaadaysaa dhaqaalaheena, waxana laga helayaa shaqooyin, markaas waa dan ay u baahan yihiin, inaguna aynu u baahan nahay.” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment