“Qaramada Midoobay waxaannu ku ballansan-nahay inaan meel isugu nimaadno dibedda ah, kana wada-hadalno sidaan wax u wada qabsan karno, isagoo shaqadiisa Soomaaliya wata....” Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland: Waraysi Gaar Ah
Addis Ababa, 26 April, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa codsatay in hawlo badan oo u yaalla awgood dib loogu dhigo wejiga lixaad ee shirka wada-hadalka u socday dawladda Soomaaliya oo ku muddaysnaa inuu Turkiga ka qabsoomo 27-ka bishan aynu ku jirno ee April. Waxaanay sheegtay inay wada-xaajood la bilaabayso Qaramada Midoobay.
Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo socdaal shaqo ku jooga magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayaa waraysi gaar ah oo uu khadka taleefanka kula yeeshay Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo, waxa uu kaga warramay arrimo kala duwan oo door ah oo ay ka mid yihiin Wakiil Somaliland ku lahayd dalka Koonfur Afrika oo dawladdiisu u magacawday Safiirkeeda Eritrea, waxa uga qorshaysan iyo xoojin dhinaca shaqada iyo diblamaasiyadda ah oo ay ku derder-gelinayaan Safaaradda ay Somaliland ku leedahay Addis Ababa, heshiis uu la galay shirkad dhinaca ololaha qaddiyadda Somaliland kala shaqayn doonta iyo qodobbo kale.
Wasiir Biixi oo la weydiiyey sida ay xukuumad ahaan u arkaan hadal dhawaan Ergayga gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ku sheegay inaanu weli ka quusan Somaliland iyo wada-shaqaynteeda, waxa uu ku jawaabay; “Waannu wada-hadallay, qoraallo ayaannu is-dhaafsanay, markii go’aanku yimi ka dib. Dabcan Qaramadda Midoobay iyo Somaliland dhibaato dhex-taallaa ma jirto, waanan kulmi doonnaa, oo waxaannu ku ballansan-nahay inaan meel isugu nimaadno dibedda ah, kana wadahadalno sidaan wax u wada qabsan karno, isagoo shaqadiisa Soomaaliya wata.”
“Laakiin, cilaaqaad badan ayaa u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland, waana Ergeyga ugu sarreeya ee ay hoos yimaaddaan Hay’adaha jooga Somaliland. Markaa, waxaan doonaynaa inaan Addis Ababa ama Nairobi ku kulanno markuu soo laabto. Iyadoo Somaliland qaddiyaddeeda gooni-isu-taagga wadata, ayaan doonaynaa inaan arrimaha aan wadaagno Qaramadda Midoobay iska kaashanno,” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo sii watay jawaabta uu su’aashaas ka bixiyey.
Wasiirka arrimaha dibedda oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey wakhti hore loo shaaciyey in shirka Somaliland iyo Soomaaliya ee wejiga lixaad furmayo inay dhammaad ku dhawdahay iyo halkuu wadahadalkaasi ku dambeeyey wuxu yidhi; “Waxa uu ahaa inuu 27-ka bishan April (Axadda Berri) dhaco oo u ballansanayn, laakiin maaddaama hawlo dalkii jiraan sida Shirkii Xisbiga KULMIYE iyo hawlaha aan halkan Addis Ababa u joogaa jiraan, Somaliland ayaa codsatay in dib loo dhigo. Markaa, inkastoo aannaan wakhtiga cusub weli qabsan waxa laga yaabaa inuu noqdo aakhirka bishan ama toddobaadka u horreeya bisha soo socota ee May.”
Mar Wasiir Maxamed Biixi la weydiiyey su’aal ahayd; dabayaaqadii sannadkii hore waxaad heshiis la gashay Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo magaceedu yahay Mercury Public affairs, nooca heshiiska, hawsha ay qabanayso iyo natiijada illaa hadda ka soo baxday, waxa uu ku jawaabay; “Hawlo fara badan ayey nala qabteen, dhawaan shir caalami ah oo dhaqaalaha Afrika ku saabsan lana qaban doono, way nagu marti-qaadeen inaan khudbad ka jeedino, kulankii wasiirka Ganacsiga iyo Agaasimaha guud ee Khaarajigu ka qeybgaleen dhawaan casuumaddiisa iyagaa noo fududeeyey. Waxay diyaarinayaan xidhiidh aan khadka telefoonka ka jeedin doono warbixin ku saabsan qaddiyadda madax-banaannida Somaliland aan kula wadaagi doono aqalka Odeyaasha Maraykanka. Hawlo badan oo fiican ayey noo qabteen, waa shirkad dhinaca ololaha caan ku ah adduunka - waa Raggii dhinaca ololaha ka caawinayey Madaxweyne Obama wakhtigii doorashada.”
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Mr. Biixi oo la weydiiyey in dalka Koonfurta Suudaan muddo hore loo magacaabay Wakiil, balse aan weli cidi tegin iyo waxa hor-taagan waddanka Koonfur Afrika Wakiil u dhashay oo danaha Somaliland ilaalin jiray, balse ay Somaliland lumisay iyo waxa uga qorshaysan, waxa uu ku jawaabay; “Maynu lumin wakiilkii innoo joogi jiray Koonfur Afrika. Iqbal waxa loo magacaabay Safiirka Eretria ee dalkiisa. Immikana xidhiidho ayaan wadaagnaa, haddii Illaahay yidhaahdo waannu kulmi doonnaa. Dhinaca Koonfurta Sudan, intii la magacaabay Wakiilka qas baa ka taagnaa, meel wakhtigan wakiil loo diri karo ma taagna, wallow aan marar badan la kulmay Wufuud dalkaas metelayey, maanta waxaan ka fikiraynaa maxaad la qabsan kartaan?”
Gebo-gabadii Waraysigan Wargeyska Himilo la yeeshay Wasiirka arrimaha dibedda, waxaa lagu weydiiyey su’aal nuxurkeedu ahaa; Safaaradda Somaliland ee Itoobiya oo ku taal dal cilaaqaad fiicani innaga dhexeeyo iyo xaruntii Ururka Midawga Afrika iyo Urur-goboleedka IGAD-ba, waxay u muuqdaan inay ka gaabiyeen kaalintii looga baahnaa iyo waxa uga qorshaysan, waxaanu yidhi; “Waxa noo qorsheysan inaan xoojinno wax-qabadka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya, waanan kala hadlay Wasiirkooda Khaarajiga sidii uu gacan nooga siin lahaa ballaadhinta. Waa dhab, waxay ka mid tahay Safaaradaha ugu waaweyn ee Adduunka aannu ku leenahay, markaa dabcan in shaqaalaha la soo kordhiyo oo hawlo badan ay qabtaan waa waajib.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment