Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo Ka Warbixiyey
Sababaha Dib u Riday Kiiska Marxuumad Ruqiya Siciid Oo Aan Wali
Natiijadiisa la Shaacin
Hargaysa: (Himilo)-Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo la dhashay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle Oo Dhammaadkii bishii labaad ee Sanadkan Maydkeeda laga helay Aqal ku yaalla Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Gebi ahaanba la soo Afjaray dhegaysiga kiiska Dilka Marxuumadda.
Cabdirisaaq oo u warramayey Warbaahinta ayaa sheegay in Maxkamddu sheegtay inay Maalinta Sabtida Soo Socota si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto Go’aanka ay ka gaadhay Baadhitaankii ay soo wadday Mudda labada Bilood ku dhaw.
Waxa uu Cabdirisaaq tilmaamay inay Ballantu ahayd in hore loog dhawaaqo xukunka la gaadhay, balse ay jireeen duruufo keenay inay dib u dhacdo.
“Kiiskan Dilka ahaa waxa uu dhacay 24kii bishii Labaad Maydkii Marxuumada Ruqiyana waxa la helay labadii bisha imika waxa laga joogaa laba bilood Runtii kiiskaasi haday tahay booliska haday tahay laamaha sirdoonka iyo haday tahay maxkamada dhamaan hawshaasi si fiican ayey uga soo baxeen.” Ayuu yidhi Xogahaya Golaha Wakiillada Somaliland.
Waxa uu Cabdirisaaq ku tilmaamay Kiiskan mid ku socda Xawaare Sare oo aan wax hakad ah gelin, isagoo si gaar ah ugu mahad naqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka oo uu tilmaamay inay ka Go’antahay in arrinta laga Gun Gaadho, waxana uu yidhi,
“Kiiskani waxa uu Maxkamada Gobolka Hargaysa Usoo Gudubtay ilaa imika mudo bil ah ayuu kiiskani maxkamada yaalay waxaana laga dhagaystay Shan dhagaysi, Waana Kiiskii Ugu Dheeraynayey Marka la barbar dhigo kiisaska Noocan oo kale ee dilka ah,waxaana uu ahaa hawl xil aad u wanaagsan la iska saaray,waxaana uu kiiskani lasoo gunaanaday khamiistii Dhawayd, Guddoomiyaha Faysal oo aan runtii si aad ah ugu mahad naqayo waxa uu noogu dhawaaqay in Sabtida(Tii hore) soo gaba-Gabayn doono kiiskan waxaana sabtidii naga soo dhexe galay in la tukanayey roob doonta uu Madaxwaynaha somaliland uu iclaamiyey sidaas awgeed ayaa uu maalinta sabtida diba uga dhacay.”
Waxa uu Cabdirisaaq carrabka ku dhuftay in Hawlaha Xisbiga Kulmiye ay Caqabad ku noqdeen ku dhawaaqista Natiijada kiiska, isagoo xusay in Ciidankii Loogu Talo galay ay ka qayb qaateen ilaalinta Amniga Goobta shirku ka socdo, waxaana uu yidhi, “Runtii Axadii Iyana meesha waanu nimi laakiin xaga xidhiidhinta ama soo saaristii Ayaan suuro galin macaa askartii way yimadeen laakiin in lasoo saaro taasi may dhicin laakiin anigu shalay(Isniintii) ayaanu kulanay garsooraha Maxkamada Waxaana uu noo sheegay in lagu dhawaaqayo maanta Kiiskii oo ay iyaguna qoreen warqadii laakiin waxaad la socotaan in ay baryaha jireen hawsha xisbigii kulmiye oo qabsanaya shirwaynahii saddexaad isla markaasna amaankiisa si aad ah loo adkeeyey Madaxwaynaha somaliland furayey Markaas in lagu dhawaaqo natiijada waxa dib udhigay shirwaynaha xisbiga kulmiye.”
Waxa uu sheegay Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland in sidoo kale ay jiraan caqabado kale oo sababay in dib loo dhigo Natiijada Kiiskan, taas oo ay ka mid ahaayeen Maxaabiistii dhawaan Dilka ka Geysatay Jeelka Weyn ee Hargeysa, “Waxa kale oo ay u baaqatay Ayaan odhan karaa waxa maanta Iyana maxkamada la hor keenayey ragii maxaabiista ahaa ee Iyana ku xidhnaa xabsiga wayn ee magaalada Hargeysa ee kasoo daatay iskuna dayey in ay baxsadaan arinkaas marka lasoo saarayo aad iyo aad ayaa loo ilaaliya waana arin xasaasi ah sidaas Ayaan u arkaa in ay arintayadu u baaqatay.” Ayuu yidhi Cabdirisaaq Ayaanle.
Waxa uu si cad u sheegay Cabdirisaaq Siciid Ayaanle inuu si buuxda ugu kalsoon yahay Habka ay dacwaddu u socoto, isla-markaana uu ku qanci doono Natiijada ay sugayaan, waxana uu yidhi, “Anigu oo ku hadlaya qoyskii ay ka baxday Ruqiya siciid ayaanle waxaan leeyahay go’aanka ay ka qaadato cadaaladu ayaanu qaadan doonaa waxa ay shacbiga reer somaliland ka qabaana waanu ku qanci doonaan u aragno in maxkamada galin doonto arin mad-Madaw ah laakiin waxa lagu dhur sigi doonaa go’aanka cadaalada.”
Kiiskan ku jira Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa ahaa midkii ugu xanuunka iyo Murugada Badnaa ee Soo Maraa Somaliland, waxana ay dadweynuhu si weyn u sugayaan Natiijada ay maxkamaddu ka soo saari doonto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment