Guddida Farsamo ee Diwaan Galinta iyo Bixinta Aqoonsiga Muwaadinka Oo
Iclaamiyey inay Qaadan Doonaan Shaqaalihii Hawsha Geli Lahaa
Hargeysa (Himilo)-Guddida Diwaan Galinta Codbixiyayaasha Iyo Bixinta Aqoonsiga muwaadinka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday xilliga rasmiga ah ee ay bilaambi doonto wajiga labaad ee hawsha diiwaangelinta oo ay faraha ku hayaan.
shirjaraa’id oo si wada jira ah guddidaasi ugu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxay ku shegeen inay Gudo gelayaan sidii shaqaale cusub oo Hawsha Diiwaangelinta Muwaadiniintu ka qayb qaataan dhawaan Bilaabmi doonaan.
Guddida ayaa sidoo kale shaacisay in shaqaalahaas laga qaadan doono Jaamacado gaar ah oo la aqoonsan yahay iyo waliba Ardayda ka baxday Jaamacado muctarifka ah, kuwaas oo si gaar ah ugu takhasusay aqoonta IT-ga.
Agaasimaha Guud ee wasaarada Arrimaha gudaha somaliland oo ah guddoomiyaha guddida Guddida Diwaan Galinta codbixiyayaasha Cabdisamad Cumar Maal, ayaa faahfaahiyey Tallaabooyinka ay dhawaan qaadi doonaan Guddi ahaan, “waxaanu iclaaminaynaa inaanu bilaabi doono talaabadii labaad oo ah shaqaalaynta ama shaqo qorista shaqaalahii diwaan galinta ka qayb qaadan lahaa ee gobolada, nidaamka shaqaalahaas lagu qorayo waxa ka mid ah jaamacada qaranka ee dalka, Gobolada iyo degmooyinka ay ka dhacayso diwaan galintaasi waxa ay dadka shaqaalaha ahi imtaxaanka ku qaadanayaa jaamacadaha Gobolada dalka ku yaala, waxaana ka qaadaya macalimiinta jaamacadaha. tusaale ahaan gobolka Awdal degmooyinka saylac lug-haya Baki iyo Boorama shaqaalaha diwaan galintu ee goboladaasi ka shaqaynaya waxay imtixaanka ku galayaan Jaamacada Camuud.” Ayuu yidhi agaasime Cabdisamad.
Agaasimaha guud ee wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ayaa sidoo kale ka Hadlay Goobaha ay imtixaanka ku geli doonaan Ardayda kale ee Gobolada kale ku Nooli, waxaana uu yidhi, “Degmooyinka hawd, Hargeysa, Gabiley iyo salaxlay shaqaalaha laga qaadan doonaa waxa ay imtixaanka ku gali doonaan Jaamacada Hargaysa Iyo Jaamacada Tima-Cade, shaqaalaha ka shaqaynaya degmooyinka Berbera, sheekh iyo Degmooyinka kale ee hoos yimaada ee D-da ah waxay imtixaanka ku gali doonaan jaamacada Berbera, Ardayda joogta magaalada Burco waxay ku gali doonaan imtixaanka jaamacada Burco sool iyo sanaag iyaguna la mid.”
Cidda qaadaysa Imtixaankaas ayuu Sidoo kale ka hadlay Agaasime Maal, waxaana uu yidhi, ”Dalka ayaa lagu qaadayaa imtixaankii shaqaalaha diwaan galinta codbixiyayaasha waxaana qaadaya waxa weeyaan macalimiinta jaamacadaha cidda ka hawl galaysaana waxa ay noqonaysaa hay’adda shaqaalaha dawladda iyo xubno ka tirsan guddida diwaan galinta oo u kala bixi doona Beri ilaa saadanbe Gobolada iyo degmooyinka waxaana ay araaji qabashadu bilaabmaysaa Maalinta sabtida waxaana lasoo dhajin doonaa shaqo qayaxidii tilmaamaysay shaqaalaha la rabo shuruudaha looga baahan yahay oo heer jaamacadeed, waxaana lagu soo dhajin doonaa dhamaan warbaahinta iyo degmooyinka ay ka dhacayso diiwaan galintu.”
Arrinta Dardargelinta iyo kala Xullidda Shaqaalaha loo qaadan doono diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland, ayaa ay gadhwadeen ka noqon doonaan Hay’adda Shaqaalaha, Badhasaabadda Gobolada iyo Degmooyinka Dalka iyo Guddidda Loo xilsaaray hawshani.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment