Dhadhaab, 24 April, 2014-(Himilo)- Saraakiil u hadlay dawladda Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in Baabuur ay leedahay Qaramada Midoobay Kooxda Al-Shabaab ka afduubeen deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya, isla markaana ay ula tallaabeen dhinaca xadka ay Soomaaliya wadaagaan.
Saraakiisha u hadlay Xukuumadda Kenya, ayaa sheegay in Gaadhigaas ay lahayd Qaramada Midoobay afduubeen xoogag ka tirsan Xarakada Al-shabaab subaxnimada Arbacadii shalay, iyaga oo dhaawac gaadhsiiyey Darawalkii Gaadhigaas waday.
Guddoomiyaha deegaanka Faafi Geoffrey Taragon, ayaa u sheegay warkaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa in saddex xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay gaadhiga oo noociisu ahaa Nissan Patrol qafaasheen, ka dib markii ay rasaas ku fureen Darawalkii Baabuurkaas waday, kaasoo uu sheegay in dhaawac ka soo gaadhay Rasaastaas lagu furay markii ay saddexda ruux ee hubaysani gaadhiga afduubayeen.
Geoffrey Taragon oo sida wax u dhaceen si kooban u sharraxayaa uu yidhi; “Waxaan xaqiijin karnaa in gaariga loola tallaabay dhinaca Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo qabto.”
Afduubkan la sheegay inay Al-Shabaab ka geysteen gudaha Kenya ee Dhadhaab, ayaa ku soo beegmay, iyadoo dowladda Kenya howlgallo Soomaalida lagaga saarayo gudaha dalkaeeda si xoog ah uga wadda, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ammaan-darrada ka taagan Kenya qayb ka yihiin.
Kooxda Al-Shabaab, ayaan iyagu dhinacooda illaa hadda aan wax war ah oo xaqiijinaya ama beeninaya ka soo saarin Gaadhiga Qaramada Midoobay leedahay ee ay dawladda Kenya sheegtay inay dhawr qof oo Al-Shabaab ka tirsani ka afduubeen deegaanka Dhadhaab ee gudaha dalka Kenya.
Kooxda Al-Shabaab, ayaa iyadu weerarro kala duwan oo ay ka fulisay gudaha waddanka Kenya ay ka mid ahaayeen Afduub dad ajaanib ah oo ay deegaannada Dalxiiska loo tago ee Kenya marar kala duwan ka afduubeen. Hase-yeeshee, tallaabadan qafaalashada Gaadhiga UN-ka, ayaa ku soo beegmaysa wakhti uu Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay sheegay inay cabsi ammaan-darro awgeed uga baxayaa goobaha ay Hay’adohoodu kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Waxaanay Sidoo kale arrintani imanaysaa xilli Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho ciidammo si gaar ah u ilaaliya ammaankooda laga keenay waddanka Uganda, kuwaasoo horraantoodu toddobaadkii hore soo gaadhay magaalada Muqdisho.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment