Addis Ababa, 19 April, 2014 (Himilo)- Urur-goboleedka IGAD, ayaa shaaca ka qaaday inay dalka Suudaanta Koonfureed u dirayaan Ciidammo ay ka mid yihiin kuwo ka socda dalka Soomaaliya, kuwaasoo noqon doona Ciidammo nabad-ilaalin ah oo gacan siiya dawladda Koonfurta Sudan oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey uu hadheeyey qalalaase siyaasadeed iyo dagaal sokeeyo oo mucaaridku la galay dawladda.
Raysal-wasaaraha dawladda Itoobiya Haile Mariam Desalegn oo hadda ah shir-gudoonka IGAD, ayaa sheegay in Ururka IGAD diyaariyay Ciidammo ka kala socda Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Uganda, kuwaasoo bishan aynu ku jirno ee Abril iyo bisha May ee soo socta la geyn doono dalka Koonfurta Sudan. “Ciidamadan waa kuwo nabad ilaalin ah oo caawin doona dawladda Koofurta Suudaan oo bilihii ugu dambeeyay wajahaysay dagaal ay mucaaradkeedu kusoo qaadayeen.” ayuu yiri Desalegn.
Wakaaladda wararka Turkiga ee Anatolia oo soo xiganaysa Raysal-wasaaraha Itoobiya, ayaa sheegtay in Madaxda urur-goboleedka IGAD ay isku raacsan yihiin in Ciidammo nabad illaalin ah loo diro Koonfurta Suudaan, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo Soomaali ah.
Tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay tan iyo markii 22-sano ah ka hor markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya oo la sheego in Ciidammo Soomaali ah ay nabad ilaalin ahaan u tagayaan dal ka mid ah kuwa Afrika. Waxaanu hadalkani imanayaa iyadoo Soomaaliya ay joogaan Ciidammo nabad-ilaalin ah oo ka socda lix waddan oo Afrikaan ah oo kala shaqeynaya dowladda Soomaaliya sidii ay dalka u nabadeyn lahayd sida la sheego.
Hase-yeeshee, dowladda Soomaaliya, ayaan iyadu weli ka hadal tallaabdan ay IGAD ku doonayso in Ciidammo ka tirsan kuwa Soomaaliya la geeyo dalka Koonfurta Suudaan si ay u caawiyaan dowladda dalkaas oo dagaal kula jirta Mucaaradka hubaysan ee dalkeeda.
Dalka Sudanta Koonfureed, ayaa laba sano oo ka hor ka go’day Waddanka Suudaan, hase-ahaatee waxaa bishii December ee sannadkii hore ka billowday dagaallo u dhexeeya Mucaarad uu hoggaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar iyo dowladda dalkaas ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Salva Kiir.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment