“Garoowe ilaa Kismaayo ayaad madaxwayne u tahay, anaga madaxwayne waxa noo ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)”
Hargeysa, 20 April, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Guurtida ugu jira Gobolka Sool, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eeddeeyey inuu adduun lacageed ku kharash-gareeyey sidii uu khilaaf iyo ammaan-darro uga dhex abuuri lahaa gudaha Somaliland.
Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo deegaan ka soo jeeda degmada Taleex ee gobolka Sool, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somalia lacago ammaanka Somaliland lagu khal-khalinayo u soo xambaariyey hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo ee saldhiggoodu yahay degmada Taleex, kaas oo dhawaan socdaal ku gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta dalkaasi Soomaaliya.
Mudane Indho-indho oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in haddii ay yihiin masuuliyiinta Dhulbahante ee deegaanka Taleex, ay Beesha Caalamka ugu baaqayaan tallaabo laga qaado madaxweynaha Somalia oo uu ku eedeeyey inuu horseed ka yahay khal-khalka siyaasadeed ee ka taagan deegaanka Taleex.
“Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ogyahay in Somaliland la yidhi laba dawladood u wada-hadla, waxaan beesha caalamka iyo dawladda Maraykanka u sheegayaa in uu Xasan Sheekh Maxamuud qodobadii Somaliland iyo Somaliya ku heshiiyeen ee caalamku ansixiyay uu jabiyay.” ayuu yidhi Xildhibaan Indho-indho, waxaanu intaas raaciyey, “Waxaan leeyahay Xasanow dhibaato kugu filan way ku haysataa. Garoowe ilaa Kismaayo ayaad madaxwayne u tahay, anaga madaxwayne waxa noo ah Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Adduunka waxaanu u sheegaynaa dhibaatada deegaannadayadii ka taagan, cid ku wehelisaa ma jirto Xasan Sheekh Maxamuud.”
Xildhibaan Indho-indho oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey, “Ninka Indho sheel la yidhaahdo ee aan Xildhibaanka u ahay Inuu diyaarad raaco oo uu Xasan isla soo sawiro waanu arkaynaa. Haddii magacii beeshii Dhulbahante noqday Khaatumo, aniguna Khaatumo-da Somaliland ayaan ahay, Indho-sheelna waa Khaatumada Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yidhi Mudane Cabdiqaadir.
Xildhibaanku waxa uu uu farriin u diray shacabka ku nool magaalada Taleex ee uu xildhibaanka u yahay, waxaanu ugu baaqay inay dawladda Somaliland u dhaga-nuglaadan oo ay iska daayaan cadowga ku soo dhex-dhuumanaya deegaankooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment