Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada berbera, ka dib markii uu ku tagey socdaal gaar ah oo nasasho ah.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyaan masuuliyiinta gobolka saaxil iyo degmada Berbera ayaa dadweynaha salaadii jimcaha kula tukaday masaajidka Khalid Binu Waliid.
Sh. Saleebaan Siciid Cali ayaa masjidkaasi ka jeediyey khudbad diini ah oo ku saabsan ahmiyada ay leedahay salaada roob doonta ah ee maalinta beri ah guud ahaan dalka laga oogi doono.Sheekhu waxa kale oo uu sheegay in socdaalka madaxweynuhu yahay mid gaar ah oo uu ku soo booqday magaalada berbera, waxaanu ilaahay uga baryey inuu ku sugo hogaamin toosin, una siyaadiyo cimriga iyo caafimaadka.
Dadweyne tiro badan oo salaada jimcaha la tukaday madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey socdaalka gaarka ah ee madaxweynaha isla markaana u gudbiyey hambalyo, duco iyo salaan. Socdaalkan madaxweyne Siilaanyo oo ah kii ugu horeeyey ee uu ku tago gobolada dalka iyada oo aanay wehelinin masuuliyiin ka tirsan xukuumada ayaa wararka qaarkood sheegayaan in madaxweyne siilaanyo uu ku tagey xeebta batalaale oo uu hore ugu dabaashay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment