Hargeysa(Himilo)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad Cabdi Raygal Beegsi, ayaa sheegay in muran iyo khilaaf uu soo kala dhex galay Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.
Guddoomiye Raygal oo u warramayey Royal Tv, ayaa khilaafka Xisbiga ka dhex jira Qiray, isagoo si Taxadar leh u sheegay inay jiraan Koox uu ku eedeeyey inay khilaafka Hurinayso.
Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Waddani Cabdi Raygal ayaa si Dadban Khilaafka Xisbiga dhexdiisa ka jira dusha ka saaray xubno uu ku sheegay in masuuliyaddii xisbiga lagaga tegay, “waxa jira niman masuulkii lagaga tegay ayaa jabaadaantii Ciyaalka ku dhex ciyaaraya Xisbiga, khilaaf badanina ma jiro ee koox gaar ah ayaa tallaabadii la qaadaba mid kale ka dhex qaadaysa, waana musharxiinta waaweyn, waxaana aan usoo jeedinayaa inay wixii loo igmaday ka shaqeeyaan.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdi raygal.
Guddoomiye Cabdi Raygal ayaa shaaciyey in isaga laftiisu uu khilaafka dhinac ka yahay, isagoo intaas ku daray inuu la safan yahay Garab uu hoggaaminayo Cabdiraxmaan Cirro, waxaana u yidhi,
“annigu waxaan ahay labada Garab midka leh Toos halloo socda, garabkaana Guddoomiyaha Guud ayaa Hoggaamiya.”
Dhinaca kale waxa uu Guddoomiyuhu ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo tamar darro uu sheegay inay ka dhex jirto, isagoo Dhacdadii jeelka Hargeysa ka dhacdayna ku tilmaamay mid caddaynaysa inaanay xukuumaddu awood badan lahayn, waxaana uu yidhi, “xukuumadda waad aragtaan hoos u dhac iyo awood darro ilaa ay jeelkii ka dhaceen arrimo aan hore u dhici Karin. Waana kala qaybsanaan xukuumadda ka muuqata iyo awood darro”
Hadalkan ka soo yeedhay Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Waddani ayaa ah mid caddayn u ah inuu jiro khilaaf Huursan oo Waddani dhexdiisa ah, waxaana uu noqonayaa Masuulkii ugu horreeyey ee xisbiga ka tirsan ee khilaaf noocan oo kale ah jiritaankiisa shaaciya.
Guddoomiyihii Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (cirro) ayaa haatan ku maqan dalalka yurub, iyadoo uu ku-xigeenkiisiina ku sugan Yahay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Xisbiga Waddani ayaa ka mid ah Axsaabta siyaasada ee Somaliland ka jirta ee ugu khilaafka yar marka loo eego labada Xisbi ee Ucid iyo Kulmiye oo inta badan aanu dhexdooda khilaaf ka dhamaanin.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment