Thursday, April 17, 2014

Madax-dhaqameedka TALEEX oo ka hadlay Nuxurka kulan dhexmaray Saraakiisha Ciidanka Qaranka iyo Shir la Qorsheeyey in lagu Qabto magaaladaas




 Shirkaas waanu isla soo qaadnay, waanu weydiinay sababta imaatinkooda wakhtigan, waxaanay madaxda ciidanku noo sheegeen inaan…” – Caaqil Cabdiqaaadir Koore – Waraysi Gaar ah


                  


Taleex, 17 April, 2014 (Himilo)- Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa shalay kulan la qaatay Wax-garadka iyo madax-dhaqameedka degmada Taleex, ka dib markii Ciidanka Qaranku maalintii dorraad gaadheen magaaladaas.


Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka degmada Taleex ee shalay Ciidamada Qaranku la kulmeen, ayaa Wargeyska Himilo uga war-bixiyey ujeeddooyinkii uu darranaa kulankaas iyo waxyaabihii laga wada-hadlay. 


Caaqil Cabdiqaadir Abyan Koore oo ka mid ahaa madax-dhaqameed shalay la kulmay saraakiisha Ciidanka qaranka, ayaa sheegay in kulankaasi is-afgarad ku dhammaaday, isla markaana ay Ciidanka ku qanciyeen inay fadhiisimo ka samaystaan duleedka magaalada, si aanu khasaare u soo gaadhin shacabka.


Waxaanu u kulannay sidii nabadgelyada loo ilaalin lahaa, ciidanka iyo shacabkuna aanay isugu dhicin oo ciidamaduna magaalada dibadeeda fadhiisimo uga samaysan lahaayeen, arrimahaana waanu isku afgaranay, waanay naga soo guureen maanta (shalay),” ayuu yidhi Caaqil Cabdiqaadir oo aanu weydiinay waxyaabaha ay ka wada-hadleen madax-dhaqameedka iyo saraakiisha ciidanka Qaranku.


Caaqilku waxa uu sheegayinay kulankoodaas ciidanka Qaranka kaga wada-hadleen shirka Kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo shaacisay inay qabsanayso magaaladaas oo sababtay ay ciidanku u tageen magaaladaas lala xidhidhiiyey sidii ay uga hortagi lahaayeen inuu shirkaasi ku qabsoomo deegaankaas.


Shirkaas waanu isla soo qaadnay, waanu weydiinay sababta imaatinkooda wakhtigan, waxaanay madaxda ciidanku noo sheegeen inaan shirkaas lagu qaban Taleex, amarna ku qabaan inaan shir lagu qaban Karin,” ayuu yidhi Caaqil Cabdiqaadir.


Caaqil Cabdiqaali oo aanu weydiinnay sababta ay madax-dhaqameed ahaan uga hortagi waayeen danaysiga siyaasiyiinta hadba dhinac taageeraya maadaama ay yihiin hormoodka shacabka, waxa uu ku dooday in shirka loo ballansan yahay ee magaaladas lagu qabanayo qaban-qaabadiisu wali socoto, wada-xaajoodka dhexmaray ciidanka qarankana ay u arkeen xalka kaliya ee lagaga badbaadi karo isku-dhac khasaare ka dhaso oo magaalada ka dhaca.


Dhinaca kale, Afhayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland oo aanu isku-daynay inaanu wax ka weydiinno natiijada kulanka dhexmaray madax-dhaqameedka, ayaan noo suurta-galin inaanu ku helno khadka telefonka.


Ciidankii Qaranka Somaliland oo dorraad gaadhay magaalada taariikhiga ah ee Taleex, ayaa shalay ka baxay gudaha magaaladaas, waxaanay fadhiisimo cusub ka samaysteen duleedka Koonfureed ee magaaladaas.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment