Wednesday, April 30, 2014

Hooyada Dhashay Wiilkii Dhawaan Shaagga Diyaaradda Galay Oo La Midoobi Doonta wiilkeeda Oo Ku Sugan Maraykanka




Sheed-dheer: (Himilo) Hooyo Ubax Maxamed Cabdulle oo dhashay Wiil dhawaan uu  ka badbaaday Diyaarad isaga kala gooshaysay magaallooyin ku yaalla dalka Maraykanka oo uu Taayirkeeda Hoos galay, ayaa lagu wadaa inay dib ula midowdo wiilkeeda iyo carruur kale oo ay dhashay, kuwaasi oo haatan aabahooda kula nool Gobolka Kaliforniya ee dalka Maraykanka.


 


ddddddddddddddddddUbax Maxamed Cabdulle oo haatan ku nool Xeradda Qaxoontiga ee Sheed-dheer ee dalka Ethiopia ayaa sas ka qaadday markii ay Warbaahinta Caalamka ka maqashay khatarta uu galay Wiilkeeda Yaxye C/llaahi oo 15-jir ah, kaasi oo hoos galay mid ka mid ah Taayiradda Diyaarad duullimaadkeedu ahaa magaalladda Hawaay ee dalka Maraykanka, iyadoo ujeeddadiisu ahayd inuu Hooyadii u yimaaddo.


                                                                    


Waxa uu sheegay inuu u malaynayey inay Diyaaraddu tegi doonto dalka Somaliya, si uu u soo arko hooyadiisa oo loo sheegay inay ku nooshahay Somaliya, sidaa darteedna uu Taayirka Diyaaradda u Hoos Galay.


 


Ubax Maxamed Cabdulle oo 33-jir ah ayaa ka codsatay Dowladda Ethiopia iyo QM inay gacan ku siiyaan sidii ay u tegi lahayd dalka Maraykanka, isla markaana ula midoobi lahayd Carruurteeda oo muujiyey Sida aanu Hooyadii la’aanteed u Noolaan karaynin.


 


C/risaaq Cabaas Cumar oo ah Sarkaalka dhinaca Sharciga ee Hay’adda Qaxoontiga (UNHCR) ugu qaabilsan Xeradda Qaxoontiga ee Sheed-dheer ee dalka Ethiopia ayaa sheegay inay Ubax Mohamed Cabdulle ku guuleysatay Wareysigii Koowaad ee Hay’adda UNHCR la yeelatay, kaas oo ku saabsanaa Codsigeeda ay ku Doonayso Tegitaanka Maraykanka.


 


Waxa uu intaasi ku daray haddii ay Ubax Mohamed Cabdulle ku guuleysato Wareysiga Labaad inay nasiib u yeelan doonto in dalka Maraykanka qaxoontinimo ahaan loogu qaado wax yar hal Gudoheed ah.


Tallaabada uu Wiilkan yari ugu badheedhay Halistan oo Caalamka oo dhan lagaga Hadlay ayaa Sabab u noqon karta in Hooyadaasi si Fudud u tagto dalka Maraykanka oo caruur kale oo ay dhashay ku nooshahay.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment