Tuesday, April 22, 2014

Laascaanood: Askari Boolis ah iyo Qof Shacab ah oo lagu dilay iyo Xog-warranka Taliska Ciidanka




Laascaanood, 22 April, 2014 (Himilo)- Talista Qaybta booliska ee gobolka Sool, ayaa tafaasiil ka bixiyey dilal labadii maalmood ee u dambeyey ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaas oo mid ka mid ah lagu fuliyey askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.


Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sool Cabdiraxmaan Col-haye, ayaa sheegay inay ciidamada boolisku ku gacanta ku dhigeen laba gacan-ku-dhiigle oo shalay iyo dorraad wakhtiyo kala duwan dil ugu geystay magaaladaas laba marxuum oo midkooda ka tirsanaa ciidanka booliska ee degmada Laascaanood.


Alle ha u narxiistee Askari ka tirsan Ciidanka Booliska degmada Laascaanood oo lagu magacaabi jiray Cabdiqani Jaamac Faarax ayaa shalay lagu kharaajiyey magaaladaas, waxaana dilkiisa ka dambeeyey gacan-ku-dhiigle magaciisa la yidhaahdo Cabdinaasir Axmed Maxamed, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka booliska ee gobolka Sool Cabdiraxmaan Col-haye.


Las_Anod_street_scene“Saaka (shalay) 8-dii subaxnimo ayaa waxa dil toogasho ah loo geystay askari ka mid ah ciidanka booliska oo lagu magacaabi jiray marxuum Cabdiqani Jaamac Faarax taas oo uu dil-toogasho ah u geystay gacan-ku-dhiigle Cabdinasir Axmed Maxamed kaas oo aanu ku qabannay isla goobtii uu dilka ku geystay isaga iyo qorigiisiiba,” sidaas waxa yidhi Taliye Cabdiraxnaan Col-haye oo ka war-bixinayey dilka shalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.


Taliyuhu waxa uu sheegay inay  Ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen gacan ku-dhiigle maalintii Axadd amaalintii Axadda ka dhacay magaaladaas, kaas oo lagu kharaajiyey marxuum lagu magacaabi jiray Axmed Cabdiraxmaan Yuusuf oo dilkiisa uu ka dambeeyey gacan-ku-dhiigle magaciisa lagu sheegay Nuur Maxamed Aadan kaas oo ciidanka boolisku ku guulaysteen inay gacanta soo dhigaan, isla shalayna la horgeeyey maxkamadda.


“Shalay (dorraad) saacaddu markii ay ahayd 4:30 galabnimo ayaa waxa lagu dilay nin marxuum ah oo odhan jiray Axmed Cabdiraxmaan Yuusuf oo 22 jir ah meel meherad ah oo laga cunteeyo, markiiba ciidanka boolisku si deg-deg ah ayuu uga hawl-galay raacdaynta gacan ku-dhiiglaha, nasiib wanaag xalay (habeen hore) gelinkii dambe abbaaro 1-dii habeenimo ayaanu ku guulaysannay inaanu qabanno gacan-ku-dhiiglihii dilka geystay, saaka (shalay subax) ayaanu sharciga horgeynay, maxkamaddaana shaqadeeda ka qabsatay oo u gudbisay xabsiga Dhexe ee gobolka,” ayuu yidhi Taliye Col-haye.


Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo muddooyinkii u dambeysay ka raysatay fal-dambiyeedyada dilalka loo geysto dadka shacabka iyo shaqaalaha dawladda, ayaa labadan dhacdo noqonayaa kuwii ugu horreyey in muddo ah ee magaaladaas ka dhaca.


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somaliland                 


 

No comments:

Post a Comment