Hargeysa (Himilo)-Wadamada Faransiiska iyo Holland ayay dowladohoogu dabada ka riixayaan in baarlamaanadoodu soo saaraan xeerar lagu mamnuucayo 'lagu hor istaagayo' xidhashada xijaabka, taas oo u muuqata dagaal ku socda haweenka Muslimka ah oo la rabo inay cawradooda muujiyaan.
Waxaynu ognahay oo maanka ku haynaa in, wadamadaasi iyo kuwo kale oo reer Galbeedka ah iyo Maraykankuba ay leeyihiin dhaqano , xeerar iyo hanaan ay ugu yeedhaan dimuqraadiyad oo u banaynaya in qof kastaa siduu doono u noolaado.
Wadamadan , haweenku waxay xor u yihiin inay jidhkooda qaawin karaan ama qayb ahaan iyagoo banayn karaan siday doonaana ka yeeli karaan.
Isweydiintu waxay tahay , haddii haweenka loo ogol yahay inay Jidhkooda asturnaanta ka qaadi karaan oo qaawanaan socon karaan , waa maxay sababta loogu diidayo inay is asturi karaan.?
Ujeedada ay ka leeyihiin inay cadaadis ku saaraan haweenka Islaamka asturnaan la'aantu maxay tahay.?
Waxay raadiyaan xoriyad waxay ugu yeedhaan . waa noocma Xoriyada ay doonayaan , ma mid iyaga u khaas ah baa . ?
In qofka lagu cadaadiyo inuu ka tago diintiisu miyaanay ka hor imanayn xoriyada ay doonayaan.?
Ma caqligaa foorara mise waa iska yeel yeel. ?
Jawaabaha su'aalahan iyo qaar kaloo badan oo aad maanka ku haysoba Akhriste waa kugu adiga ...?
Himilomedia.com
Hargeysa - Somaliland
No comments:
Post a Comment