Wednesday, April 23, 2014

TOOS TOOS TOOS!! -W/Q XAMSE M CUMAR KUJOOG




Dhisidda Islaamka Dhabar-jabinta reer galbeedka Iyo Dhoy la,aanta dhalinyarta


Ishu waxay ilmaysaa .. qalbigu wuxuu murugoodaa .. jidhkuna  jidhidhicooda markay dhaayahaagu arkaan wiilal iyo gabdho dhalinyaro Islaam ah dhaqankooduna ka fogyahay kii Islaamka iyo kii dhaqanba,


Meelaha dhalintu ku kulanto markaad joogsato .. Baraha Intenetka ee lagu kulmana aad indho-indhayso waxaad badanaa ku arkaysaa dhalinta oo ka doodaysa waxaan waxba uga shan iyo toban ahayn sida Siyaasad madhalays ah.. ciyaaro iyo gaal adduunka dabadiisa jooga oo aan waxba u ogayn.. inan meel ka heestay iyo inankii heesta la qaaday iwm.. Kolkaasay naftu is waydiinaysaa tolow dhalinyartani xagay u socotaa mustaqbalku se muxuu u qarinayaa


Milicsiga taariikheed iyo weerarka ku wajahan dhalinta


Kadib markii ay burburtay dawladdii u danbaysay ee Islaamku  1924 kadib markii uu dhacay Suldaankii u danbeeyey ee dawladda cismaaniyiinta oo fadhigoodu ahaa dalka turkiga


Kadib markii Muslimiintu ay waayeen oo ay tabeen xukunkii Islaamka.. waxa dhaqdhaqaaq xoogan bilaabay awoodo dibada iyo gudahaba ah oo habeen iyo maalin ka shaqaynaya sidii ay Islaamka uga tirtiri lahaayeen maskaxda dadka dhalinyarta ah oo iyagu ah jiilka cusub ee soo koroya una soo socda islaamka waxanay isku dayayeen in ay Rumaynta Islaamka shaki ka galiyaan.. Shaqada iyo kartidana ay iska fadhi iyo shaqo la’aan ugu badalaan.. Akhlaaqdana ay ka burburiyaan oo dad xoolaha oo kale ah oo aan fakarin ay ka dhigaan


Waxa ugu waawayn awoodaha dagaalkaas dhalinta kula jira


1.       Gumaysi iyo gaalaysiin (ha ugu badnaadaan fulinta hay’addaha ay soo dirteen)


2.       Hanti wadaag caalami ah


3.       Yuhuudnimo cadaawad badan


4.       Kiristaan dagaal qaawan wada


5.       Kuwo u shaqaynaya gaalka


Haddaba si aynu u ogaanno sida uu islaamku u diyaariyay dhalinyarada si ay uga hortagaan dagaalkaas ba’an ee lagula jiro ayaynu is waydiinaynaa su’aalo ah


Waayo dhalinyaro?? Da, intee leeg ayaa lagu sheegi karaa dhalinyaro??


Dhalinyaradu waa lafdhabarta ummadaha .. ummadna jiritaankeeda waxa laga qiyaasaa kolba dhalinta usoo kacaysa inta ay leeg tahay


Da’da lagu qiyaasi karo dhalinyaro waxay culimadu ku sheegaan 15-40 sano qaarkoodna waxay gaadhsiiyaan ilaa 50jir


Dhalinta iyo diyaarintii Rasuulka SCW:


Wajigii koowaad ee Islaamka ciddii diinta qaaday ee meel walba gaadhsiisay waxay ahaayeen dhalin yaro


Nabiga waxa lasoo diray isagoo 40sano jira


Abubakar wuxuu islaamka qaatay isagoo 37sano jira


Cumar waxa uu islaamay isagoo 26sano jira


Sacad bin abii waqaas wuxuu ku islaamay 17jir


Subayr ibnu cawaam isna 16jir


Waxaan la iloobi karin wiilka 17jirka ah ee ciidamadii islaamka hogaaminayay dhimashadii rasuulka ka hor Usaama bin zayd iyo qaar kaloo badan


Waxa iyaduna lagama maarmaan ah in la xuso talooyinka gaar ka ah ee uu Nabigu SCW la daba joogay ummada in nasiibka libaaxa ay ka qaateen dhalintu sida:


1.       Diyaarinta dhanka cibaadada iyo ku xidhnaanta Allah wuxuu Nabigu SCW sheegay 7da qof ee qiyaamaha hadhka rabbi maalin aan hadh kale jirin hadhsan doona inuu ka mid yahay qofka dhalinyarta ah ee ku kora cibaadada Ilaahay


2.       Ka faa’iidaysiga waqtiga iyo ka midho dhalinta jaanisyada waxa Nabigu SCW tibaaxay “Ka faa’iidayso dhalinyarnimada ka hor inaatanad gaboobin”


3.       Ilaalinta dhalinta iyo dhufays galintooda si ay akhlaaqdooda iyo dadnimadoodu u sugnaato dabaylaha dhacayana ay uga badbaadaan wuxuu Nabigu SCW talo ku siiyay inay guursadaan isagoo leh “Dhalinyarooy qofkii karaya inuu guursadaa ha guursado”


4.       In dhalinyarnimadu tahay wax la iswaydiin doono iyo masuuliyad su’aali ka danbayso maalinka lama huraanka ah oo su’aalaheeda ay ka mid yihiin “Dhalinyarnimadaadii maxaad ku gaboojisay”


Gun iyo gabagabo


Dhalinyarooy dagaalka innagu wajahani aad ayuu u ba’an yahay ee aynu galno diyaargaraw iyo tabaabulshe aynu kaga hortagayno dagaalkaas iyo weerar celin liddi ku ah weerarka inagu qasaya.. diyaargarawgaas oo ay ka mid yihiin


1.       In Ilaahay la rumeeyo laguna kalsoonaado


2.       In waqtiga looga faa’iidaysto wax adduun iyo aakhiraba anfac inoo leh


3.       In la doorto saaxiibbo suubban oo inagu gargaara hawshaas barakaysan


4.       In hammi horumarineed la yeesho


5.       In ku dayasho laga dhigto dadkii hore ee adduunka wax kusoo kordhiyay


6.       In qofka dhalinyarta ahi lahaado kalsooni uu naftiisa ka qabo oo uu ku meel maro


Warku wuxuu ku idil yahay


a.       Toos oo hurdada ka toos


b.      Toos oo wadada saxda ah ku toos


c.       Toos oo hansare u toos


Ilaahay xaqqa hayna garansiiyo.. Awoodaha dhalinyarnimo ee inaga dayacmayna ilaahay haynoo soo uruuriyo


 


W/Q  XAMSE M. CUMAR KUJOOG


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment