Sheekh Aadan Siiro Oo si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Hargeysa
Hargeysa (Himilo)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan siiro) oo muddooyinkii u danbeeyey socdaal caafimaad dibadda ugu maqnaa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Sheekh Aadan ayaa waxa soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay dadweyne tiro badan iyo masuuliyiin isugu jiray madax dhaqameed,culimo,dhalinyaro iyo haween, waxaana soo dhaweyntan hagayey guddi gaar ah oo iska xilsaartay.
Sheekh Aadan Siiro Muddo Afar Bilood ku dhaw waxa uu hawl Caafimaad ugu maqnaa Waddanka Malaysiya, ka dibna nasasho u joogay dalka imaaraatka, sheekha waxa kale oo uu muddadaasi uu tagay magaalada barakaysan ee maka oo uu ku soo cimraystay.
Sheekh Aadan Siiro oo ka soo dagey gagida dayuuradaha ee cigaal internation airport ee magaalada hargeysa ayaa u mahad naqay dadweynihii soo dhaweeyey waxaana uu yidhi:-
“waxaan u mahadnaqayaa dadkan reer Somaliland ee sida wanaagsan ii soo dhaweeyey, intii aan walaalayaal idinka maqnaa isbeddelo badani waa jiraan wax badanina waa soo kordheen, waxaanse jecelahay markaan Arrimahaas Eegno dadkii wanaagsanaana aan la tashado aan wax ka odhan doono.” Ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.
Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey waxa uu sidoo kale si gaar ah ugu mahad naqay shacabkii muddadii uu dalka ka maqnaa xidhiidhka la samaynayey ee Caafimaadkiisa la socday iyagoo caafimaad illaahay u baryayey, waxaana uu yidhi, “Waxaan u mahad naqayaa Dadkii Khayrka Badnaa ee aad iyo Aad u danaynayey Caafimaadkayga intii aan Maqnaa ee Habeen iyo Maalin ila soo xidhiidhiyey ee I weydiinayey Caafimaadkaygu halka uu marayey iyo kuwii khayrka Badnaa Habeenka Madow iyo saacadaha wax la aqbalo ilaahay ii baryayey.”
Sheekha ayaa carrabka ku dhuftay in dadka intooda jilicsan ee wanaagga jeceli ay yihiin kuwa feejignaanta badan iyo dhugmada u leh Horumarka iyo Nabadda dalka ka jirta, “ kollayba waxaan jecelahay Dadka kuwa Hooyooyinka agoonta korinaya, kuwa lugaha la’ iyo kuw indhaha la’ iyo kuwa Dalkani u soo leeleelay ee Runtii cid Taqaanaa ay yartahay ee maryaha cas-cas leh ee marka ay waddooyinka marayaan inta badan ku duceeya ilaahayow dalka noo hagaaji, kuwaasi waa kuwa Awooddoodu ay ilaalinayso dalkan maanta ay wadno ee dhacdadii ugu dambaysay ee jeelka ka dhacday u gurmaday.”
Waxa uu si gaar ah u tilmaamay in Dalku yahay mid ku filan dhammaanba Muwaadiniinta reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan, isagoo ku Boorriyey in si wada jir ah loo ilaaliyo Nabadda, isagoo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi, “Nabaddaa, Wanaaggaa aynu hayno iyo midnimadaas iyo dalkeenan kooban ee Qaniga ah inaynu iskugu tagno Horumarkiisa weeye Taladayda Guud, Runtiiina maanta waxa Loo Baahan yahay Ahlu xal wal Caqdii Guud, Culimaduna waxay yidhaahdaan kuwa waxna xidha waxna Gunta, Waana inta Aqoonta, Aragtida, Hoggaanka, wanaagga, Ururinta iyo Hal abuurka lagu Tuhmayo oo Runtii Bulshada o dhan ka kooban.”
Sheekh Aadan ayaa caan ku ah inuu Bulshada si weyn uga wacyigeliyo waxyaabaha dib u dhaca ku keena iyo tallaabooyinka aan Haboobayn ee dalka ka dhaca, waxaana uu sidoo kale kaalin muhiim ah kaga jiraa Tallaabooyinka lagaga qayb qaadanayo Arrimaha horumarinta Dalka iyo caawinta Danyarta iyo dadka jilicsan.
Dadweynihii Tirada Badnaa ee sheekha soo dhaweyntiisa ka qaybqaatay ayaa si weyn ugu diirsaday caafimaadka sheekha oo si weyn u sarreeyey, waxaana wajiyadooda ka muuqatay farxad iyo yididiilo dheeri ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment