“Qolada idiin gacan-haadinaysa ee Soomaaliya, iyagu horta ha is-heleen. Iyagoo sidaa u kala fadhiya 1948-kii ayaannu ugu tegnay Xamar oo..”
Hargeysa, 19 April, 2014 (Himilo)- Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa talo wax ku ool ah iyo baaq nabadeed u jeediyey Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada hoos-tega ee Maamulka Puntland ka mid yahay, waxaanu sheegay inaanay labaatan Madaxweyne heshiis noqon karin, balse loo baahan yahay in Madaxweynaha Xamar loo daayo, inta kalena Badhasaabyo gobol oo awood leh laga dhigo.
Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi-Waraabe), waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu shalay ka jeediyey Madal lagu soo dhaweeyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo xubno la socday oo shalay lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaanu hadalkaas ku sheegay Xaaji Cabdikariin inaanay Somaliland doonaynin dagaal dhex-mara Soomaali wixii hore ka dib.
Waxa uu Xaaji Cabdi-Waraabe, soo jeediyey Soomaaliyada u gacan-haadinaysa Beelo reer Somaliland ah inay iyagu horta is-hagaajiyaan oo ay gudohooda ka heshiiyaan, isagoo ka sheekeeyey dhibaatada Soomaaliya haysatay oo uu sheegay inay tan iyo 1948-kii kala fadhiyeen oo qolo waliba halkeeda wax ku doonaysay, waxaanu yidhi; “Qolada idiin gacan-haadinaysa ee Soomaaliya, iyagu horta ha is-heleen. Iyagoo sidaa u kala fadhiya 1948-kii ayaannu ugu tegnay Xamar oo Talyaani haysto, kolkaasaannu annagu isugu ergaynay, iyaga oo Digil iyo Mirfle meel fadhiyaan oo ay Carabta la socdaan cishadii Xaawo Taago la dilay gooni bay u fadhiyeen, Juujo iyo nin kale ayaannu ka soo kaxaynay oo Madax laga dhigay oo Ururkii SYL ku soo darnay, oo Somaliland Odayaasheedi Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye u madaxda ahaa ayaa soo hoggaamiyey.”
“Maanta waxaannu leenahay dagaalka Puntland dooni mayno, ma doonayno dagaal Soomaaliyeed wixii hore dabadeed, gudihiinnana heshiiya ayaannu leenahay oo halkaad ka heshiin lahaydeen aannu idiin tilmaanno. Magaalo walba waxaad u samayseen Madaxweyne, dee labaatan Madaxweyne heshiin maayaan. Badhasaabbo u roga Madaxweynayaashaa, waan idinla talinaynaaye Badhasaabbo Baawar leh u roga, Madaxweynahana Xamar u daaya midkasta ka dhigta oo, dagaalna haku deg-degina hadday dhexdiinna tahay iyo hadday dhan kale tahay.” Sidaa ayuu yidhi Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf.
Xaaji Cabdi-Waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa raaciyey oo yidhi; “Annaguna Jabuuti, NFD (Soomaalida Kenya) iyo Itoobiya (Soomaalida Itoobiya) ayaannu idiinla mid nahay, wax calan qaata waxaa u horreeyey Somaliland oo Hargeysa ayaa laga taagay, waxaannu nidhi; ‘Dahabkaa dawladnimada ah ee Illaahay inna siiyey yaynaan dhadhamin dawladnimada ee walaalladeen ha innala dhadhamiyeen oo saddexda maqani ha innagu daydeen. Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan-Cadde) wuxu yidhi; ‘Waar bal lix bilood annaguna aannu dawladnimada qaadanno, idinkuna wax isku hagaajista oo sidan Ingiriisku idin leeyahay yeela oo Askarta kordhiya, Baarlamanka kordhiya, Wasaaradaha dhisa oo kordhiya’.”
“Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal baa tegay oo Guurti buu soo sameeyey, iyagu Guurti may lahayn, iyagu (Koonfurtu) Guurti malaha ee maxaynu yeelnaa? Ayuu yidhi; ‘waxaan afkayga ka idhi; ‘haddaan weligayo dib talo naloo gelinaynin israac aan shuruud lahayn baannu doonaynaa, sidii bay ku dhacday, Qadaadkaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal la qabtay Allaah ha u naxariistee. Markaa, isagana lama abaal-marin, annagana maydaan na abaal-marin. Haddaba, Maxaa libintii Daarood lahaa Daba-cayuun sameeyey? Baa la yidhi; Maxaa cadhadaannu annagu lahayn ee goonida naloo fiindheeyey, ee gobannimadayadii idiin dhiibnay ay dhirbaaxo nagu dhacday?” Sidaa ayuu yidih Xaaji Cabdikariin.
Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf waxa uu sheegay inaanay Somaliland ku khasaarin go’aankii midnimada, waxaanu yidhi; “Maannaan ku khasaarin (Midnimadii Soomaaliya), ee waan is-barannay, waan ku talo-barannay, wax baannu aragnay. Walaalo ayaynu noqonaynaa, walaalo wada-tashada ayaynu noqonaynaa, walaalo is jecel baynu noqonaynaa, walaalo dadka isaga hiiliya ayaynu noqonaynaa, walaalo is-dhex-mara oo wada baayac-mushtareeya ayaynu noqonaynaa. Waar Walaallayaaloow taladu way idinka maqan tahaye tiinnana garta oo intan oo Madaxweyne ah kala joojiya, taayadana si wanaagsan oo kalgacal leh koloon carrab wanaagsan aannu idinka helno.”
Waxa uu Xaaji Cabdi-Waraabe oo dardaarankiisa uu u jeediyey Soomaalida uu intaa ku sii daray oo uu ku soo gebo-gabeeyey; “Idin caayi mayno ee Rag aqoon leh oo baxsan oo wanaagsan oo aannu naqaanno oo aqoon leh oo Soomaaliyeed-baa idinku jira, kolka la is-ixtiraamo ee Culimo, Awdiin, Madax-dhaqmeed, Odayaal, Aqoonyahan, Haween iyo Dhalinyaro mid walba ixtiraamkiisa helo ayaa wax wanaagsan la helayaa, waar haddaad dawlad wanaagsan heshaan kulligiin Madax baad noqonaysaa, cidina waxba waayi mayso, laakiin marka nimba keligii meel Madaxa ka taago wanaag la heli maayo ee isku tashada.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment