Monday, April 28, 2014

Shirweynihiii saddexaad ee xisbiga KULMIYE oo furmay iyo Madaxweynaha oo ka hadlay




Hargeysa(HIMILO):- Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo muddo badan kolba dib uga dhacayey xilliga qabsoomiddiisa loo muddeeyey khilaafyo kolba hadhaynayey awgood.


kul 2Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE, waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Marwadiisa, Golaha Wasiirrada, Hoggaanka Xisbiga, 1162 Ergay oo ka kala yimid gobollada iyo degmooyinka dalka iyo Xubno Qurbo-joogga ka socday oo dhammaantood lagu casuumay Shirkaas.


Shirkaas oo Guddiga qaban-qaabada ee hawsha soo waday il-duufeen qodob sharci ah oo uu saxay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay si caadi ah u wadeen shirka iyaga oo aan soo jeedin doorashada Shir-guddoonka shirka oo iyagu xilka iyo hagista shirka kala wareegaya Guddiga qaban-qaabada, balse markii uu Saxay Muuse Biixi, waxay halkaa ka yeedhiyeen magacyada Xubnaha Shirguddoonka Shirka noqonaya oo u muuqday kuwo si guud oo duudduub ah loogu codeeyey, sidaana ku noqday Shirguddoonka Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE.


Khudbadda Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha saddexaad Abiibbakar Xaamud Jibriil halkaa ka jeediyey ee uu kaga warramay marxaladihii hawsha qaban-qaabada shirku soo martay. Waxa iyaguna halkaa khudbaado ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha Xisibga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo labadooduba ka warramay hanka iyo himilooyinka Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda Xisbigaas ka soo jeedda ee talada haysa iyo weliba waxyaabaha u qabsoomay muddadii uu Madaxeynuhu talada hayay.


Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Ku-simaha Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, kuwaasoo Xisbiga KULMIYE ku hambalyeeyey qabsoomidda shirweynihiisa saddexaad oo muddo sannado ah wakhtigiisii dib uga dhacay, una rejeeyey inuu guul ugu dhammaado.


Inkasta oo wakhtigii shirka loogu talagalay inuu furmo oo dib uga dhacay khilaaf aan gudaha la soo gelin oo Ergada iyo Madaxda Xisbiga qaarkood hadheeyey dartii, isla markaana uu ka mid ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Ergada Beeshiisa qaarkood oo aan madasha shirka soo gelin intii hore, haddana markii dambe wuxuu u muuqday in maslaxaad iyo is-qancin ka dib Shirweynuhu si caadi ah u furmay Abbaaro tobankii iyo shan iyo afartan daqiiqo markay saacaddu ahayd, jewigu badi waa degganaa, waxaanu ku dhammaaday wejiga maanta jewi deggan.


Himilomedia.com             


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment